Tafatiraha Halgan.net oo booqasho ugu tegay Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur.[Masawiro]

July 21, 2014 - Written by Editor

IMAG0338Mecca:-Mid ka mid ah tafatirayaasha Halgan.net ayaa booqday Sheekh Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur Xafidahulaah waxaa booqashada ku weheliyey Sh Yuusuf C/Casiis oo madax ka ah Majliska Umanada ee Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

Waxaa si wacan noogu soo dhaweeyey guriga Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur wiilkiisa Maxamed Shariif Cabdi Nuur Jazahulaah kheyr , Maxamed Shariif ayaa waxaa uu nooga warbixiyey xaaladda caafimaadka Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur wuxuuna noo sheegay in xaalada Sheekha ay haatan aad uga wanaagsan tahay sidii hore , waxyar ka dib waxaan galnay qolkii uu ku jiray Sheekh Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur runtii waxaa aad noo cajab galiyey markii aan u galnay Sheekha in uu daalacanayey Kitaabka uu Taxqiijiyey Sh Maxamed Naasirul diini Albaani raximahulaah oo la yiraahdo Athamarul Mustadaab Fii fiqhil Sunnati walkitaab.

Salaan iyo marxabeyn ka dib ayuu Sheekh Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur na weydiiyey magacyadeena iyo halka aan ka nimid sidda caadiga u ah Sheekha waan isku sheegnay Sheekha intaas ka dib Sheekh Shariif Cabdinuur waxaa uu nagu bilaabay in uu na waaniyo wuxuu ka hadlay xaalada Soomaalida isagoo noo dardaarmay in dacwada la xoojiyo lagana fogaado dagaalada fitanka ah ee ka dhex socda dadka muslinka ah, waxaa kale oo uu Sheekha na wiidiiyey dalalka aan ka nimid ee Yurub in aan naqaan afafkooda si dacwada loo gudbiyo.

Intaas ka dib waxaa uu Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur uu bilaabay in uu waraysto culimadii aan la socday gaar ahaan Sh Yuusf Cabdi Casiis oo madax ka ah Majliska Umanada ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso isagoo wiidiiyey xaalada degaanada Puntland iyo culimada joogta iyo heerka dacwada ka marayso iyo in wax dagaalo fitmo ah ka socdaan.

Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur ayaa waxaa uu runtii na wiidiiyey culimada iyo ducaada  deegaaada Puntland ka wada dacwada iyo cid bedeshay culimadii ay amniyaadka Al-shabaab ku dileen Boosaaso iyo Garoowe gaar ahaan Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, alaha u wada naxariistee markii aan Sheekh uga waranay xaalada dacwadeed iyo culimada howsha wada ayaa Sh.Al-Calaamah Shariif Cabdi Nuur aad ugu farxay isagoo noo sheegay in kuwa dila culimada ay yihiin kuwa khasaaray oo aysan waxba u dhimi doonin dacwada iyo diinta Islaamka.

Halgan.net
Mecca

 

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online