Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka oo ka shiray arrimaha Safaaradaha

July 31, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka oo uu hogaaminayay Madaxa Guddigaasi Hon. Abdulkadir Osoble Ali , ayna ka qeyb ahaayeen Kuxigeenka Madaxa Guddiga Hon. Mohamed Omar Talha,Xogheynta iyo Xubno kale oo Xildhibaano ah.

Kulankani ,ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salaad oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka .

Fadhigani , ayaa Wasiirka, Wasiir kuxigeenka iyo Xubnaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka , ay uga doodeen hindisaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay qorsheyneyso inay wax uga badasho , dib u habeyn guud -na ku sameyso dhammaan Safaaradaha , Safiirada ,Diblomaasiyiinta iyo Uqeybsanayaasha Ganacsiga, Milatariga iyo Waxbarashada .

26-kii  bishan July,  ayaa Golaha Wasiirada oo uu shirgudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ay go’aamiyeen in la yareeyo tirada Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay caalamka , waxaana tirada Safaaradaha laga dhigayaa illaa iyo 28 Safaaradood iyo 3 Qunsuliyado guud , iyadoo Safiir Waliba ay la shaqeyn doonaan 3 diblomaasi oo qura , waxaana Si kumeel-gaar ah Wasaaraddu u xiri doontaa illaa iyo 9 Safaaradood , iyadoo tirada guud diblomaasiyiinta  ay noqon doonto 93 ruux, waxaana lagu hagi doonaa Sharciga Shaqaalaha Dibadda (FOREIGN SERVICE Law).

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta  isaga iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka , ayaa waxa uu sheegay in go’aanka Wasaaraddu ay qaadatay ee ay aqbaleen Madaxda Qaranka iyo Xubnaha golaha Wasiirada uu ahaa mid si weyn loo xeeriyay , oo loo eegay dhanka dhaqaalaha iyo danaha qaranka , waxa uuna yiri “ mudadii qaran burburka  uu ka jiray dalka , waxaa iska furmay Safaarado , iyadoo taa laga duulayo Madaxda qaranku  waxa ay go’aamiyeen in dib u eegid lagu sameeyo arrinkaasi, si loo suurageliyo hanashada Safiirka iyo baahidiisa , loona ilaaliyo sumcadda iyo karaamada magaca Qaranka”.

Madaxa Guddga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka  Hon. Abdulkadir Osoble Ali ,ayaa sheegay in ay talo iyo fikir is weydaarsadeen iyaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo ku aadan wax ka badalka arrimaha Safaaradaha oo ah qorshe iyo baahi qof waliba oo Soomaaliyeed uu dareemayo in la yareeyo tirada Safaaradaha , lana dhaqan-geliyo Sharciga Shaqaalaha Dibadda oo Baarlamaanka uu ansixiyay bishii July ,sanadkii 2013 , si sharcigaasi uu noqdo saldhigga dib u habeynta Safaaradaha ,Safiirada iyo diblomaasiyiinta, iyadoo la eegayo xaaladaha dhaqaalo iyo siyaasad ee dalka.

Xildhibaan Abdulkadir Osoble ayaa sheegay in Wasiirku ay wax ka weydiiyeen hantida qaranka ee dalka dibaddiisa taala iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka , isagoo sheegay in ay la shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda maadaama ay tahay muraayadda laga dhex arkayo muuqaalka qaranimo  .

Kuxigeenka Madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Hon. Mohamed Omar Talha ayaa isna sheegay inay taageersan yihiiin habka shaqo ee Wasaaradda ay wax uga badaleyso nidaamka shaqo iyo shaqaale ee Safaaradaha ,lana yareeyo tirada Safaaradaha , isagoo yiri “ waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa dhammaan danjirayaasha iyo diblomaasiyiinta, si loo xoojiyo siyaasadda dibadda , lana helo Safiirro iyo diblomaasiyiin leh astaan , muuqaal wadani-nimo, dal jaceyl, midnimo jaceyl iyo sumcad , lana eego tayada , waxtarka iyo mas’uuliyadda uu kaga tarjumi karo magaca qaranka”.

no images were found

Prof. Mohamed Omar Talha, waxa kale uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka soo siideysay Wadanka Iran maxaabiis Soomaali ah oo halkaasi in muddo ah ku xirneed, isagoo ammaanay qorshayaasha Wasaaraddu ay xad ugu yeeleyso Passport-ka diblomaasiga , diyaarinta  Sharciga Maalgeshiga dibadda, soo celinta nidaamka iyo Channel-ka diblomaasiyadda si loo joojiyo  Ururo ,dallado iyo shaqsiyaad kale oo deeqaha waxbarasho ee dibadda si sharci darro ah u maamusha , si dhalinta iyo jiilka soo koraya ay u helaan  fursado waxbarasho oo dibadda ah  , raad-raacidda iyo daba-gelidda nidaamka sharci ee ay ku joogaan dhammaan Shirkadaha iyo hey’adaha shisheeye ee wadanka ku sugan”.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online