Xildhibaanad Saado Cali oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegtay

July 23, 2014 - Written by Editor

saado1Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubaysan ay ku dileen agagaarka Hotel Ambaasadoor ee magaalada Muqdisho ,Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo galay Puntland. Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa markii la dilay waxaa goobta ka qaaday meydkeeda ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo goobta ka bilaabay baaritaan iyo howl galo ay ku baado goobayaan kooxdii dilka u geystay Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Dilka Xildhibaanad Saado Cali ayaa waxaa sheegtay ururka Al-shabaab iyagoo sheegay in koox ka tirsan ciidanka Al-shabaab ay ku dileen Xildhibaanad Saado Cali meel ku dhow Hoteelka Ambaasadoor ee wadada Makka Al-mukarama oo ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo. Kooxda dilka geystay ayaa la sheegayaa in gaari ay ku horgooyeen gaarigii ay saarnay Xildhibaanad Saadbo Cali Warsame ka dibna ay rasaas fara badan ku fureen gaarigii ay saarnay Xildhibaanad Saado Cali ka dibna markii ay hubsadeen in ay dileen ay goobta ka tageen.

Goobta lagu dilay Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne aad u fara badan , ma jirto ilaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online