Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo tegay Hargeysa

August 18, 2014 - Written by Editor

Nicholas KayHargaysa, 18 Agosto 2014 – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa maanta gaaray Hargeysa, caasimadda Somaliland, wuxuna ballan qaaday in la kordhinayo taageerada Qaramada Midoobay.  Inta uu booqashada ku joogo Somaliland SRSG Kay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinacyada nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland.

“Sanadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar baaxad weyn leh kaas oo Xukuumadda iyo dadkuba mudanyihiin in aad loogu amaano.  Waxaan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyay in aan booqdo Somaliland si aan u daraaseeyo qaabka aan usii kordhin karno una xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yiri Md. Kay.

Source:Unsom.unmissions.org

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online