Gudoomiyaha Somsat tv ee badhtamaha wadanka Ingiriiska oo la magacaabay

August 28, 2014 - Written by Editor
cawadLondon:-Shir iridaha u xidhan yahay oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin iyo madax sare oo ka tirsan Somsattv International ayaa lagu gorfeeyey waxqabadka iyo sare u qaadidda tayadda iyo barnaamijyadda tvga, haday noqon lahayd kuwa ku wajihan qaaraddaha kala duwan ee ay ku nool yihiin qurbo joogta soomaaliyeed.
Shirkan waxaa lagu falanqeeyey barnaamijyo tayo leh in lagu soo kordhiyo barnaamijyadda tvga kuwaas oo waxtar iyo waku ool u noqon doona umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Waxa shirkaas lagu magcaabay Gudoomiyaha Somsattv International ee gobolka Midlanska ama badhtamaha waddanka Ingiriiska Mudane Maxammed Ibraahim Cawed Abuuhureyra.
Waxay dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee tvga ugu duceeyeen Mudane Maxammed Ibraahim Abuuhureyra in ilaahay xilka loo magcaabay u fududeeyo kana dhigo mid waxtarka barnaamijyadda tvga ee qaaradda yurub kor u qaadda.
Waxa xafladdan  hadalo qiimo badan ka jeediyay milkiilaha Somsattv International Mudane Maxamed A Alihaybe oo carabka ku dhuftay in mediahu uu yahay masaar labo af leh lana doonayo in loo adeegsado nabadaynta iyo iskaashiga umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogto. Wuxuu Mudane Maxamed tilmaamay in qarnigan uu yahay qarnigii saxaafadda hufan loona baahan yahay in diiradda la saaro danta umadda islaamka iyadoo laga gudbayo arimaha yar yar ee khilaafku ka taagan yahay.
Xafiiska Saxaafadda Somsattv
Birmingham, United Kingdom
press.office@somsattv.com

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online