Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo waraysi gaar ah siiyay Telefishinka Dowladda Itoobiya (ETV)[Masawiro]

August 26, 2014 - Written by Editor

unnamed-14Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu waraysi gaar ah siiyay Telefishinka Dowladda Ethopia (ETV).Waraysiga uu bixiyay Madaxwayne Gaas ayaa waxa uu kaga hadlay Xoojinta Xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Puntland iyo Ethopia,khayraadka ay Puntland leedahay, Maalgashiga iyo horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dhul qaali ah oo ay ku jiraan khayrad muhiim ah  bad iyo berriba ay lee dahay Puntland, wuxuuna tilmaamay in Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ka faa iidaystaan Khayraadka dalkooda ku jira.

Arrimaha Federaalka ayaa waxa uu sheegay Madaxwayne Gaas in dalku uu ka baxay Ku meel gaar, isla markaana uu u gudbay Dowlad rasmi ah dastuurka shacabku ku heshiiyeena uu qeexayo nidaam ku dhisan federaal loona bahan yahay in laga dhabeeyo oo lasii anba qaado. Wada shaqaynta dhinaca Amaanka iyo la dagalanka Argagixisada iyo Horumarinta Ganacsiga Puntland ayuu Madaxwayne Gaas sidookale sheegay in uu kala hadlay Dowladda Ethopia oo xiriir wada shaqayn uu hada kala dhaxeeyo Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay in maalgashi sharciyaysan laga samaysto dalkeeda,waxana uu ugu baaqay wadamada dariska ah in ay si hagar la,aan ah uga qayb qaatan hurumarka wanagsan ee ka soconaya gudaha Puntland.

Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online