Madaxweynaha DGPL Dr.Gaas iyo Nicholos Kay oo Garowe kaga qeyb galay xuska sanad guuradii 1aad ee aasaaskii UNSOM.[Cod/Masawiro]

August 17, 2014 - Written by Editor

IMG_6947Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland kaga qayb galay Xaflad lagu weynaynayay Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la asaasay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya UNSOM. Munaasibada oo ka dhacday Gudaha Xarunta Un-ka ee Garoowe ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin C/llahi Camay, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay, Wasiiro, Xildhibaano ,Culimo Udiin,Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,Isimo iyo marti sharaf kale.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Xaflada ayaa u hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska UNSOM guud ahaan Soomaliya, isagoona kula dar daarmay in ay laba jibaaran Howsha ay uhayaan shacabka Soomaliyeed Gaar ahaan Puntland. ‘’Puntland waxa ay u taagan tahay Mar walba Midnimada Soomaliya,Wada jirka Soomaliya, Puntland waxay mar walba rabta in Soomaliya ay la soo laabato Qaranimadii Somaliya jiritaankeedi iyo dowladnimadeedi si taamana ay u hantido ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Nicholos Key waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso Buundo u dhaxaysa Dowladda Puntland iyo Fadaralka,waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaasi laakin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata in buundadaasi dumiso waxa laraba marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya Dubaha ku dheh ’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M Nicholas Kay
[Audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/c6fhpspc2j/Nicloskay.mp3] Halkaan ka Dhagayso MP3

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Sidookale tilmaamay in Shaqaalaha iyo Maamulka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya UNSOM ee ka howlgala Puntland ay dowalada Puntland la leeyihiin Xiriir wanagsan waxana uu ku bogaadiyay in ay wadaan dadaal kooda. Xafiiska UNSOM waxa la asaasay 3-dii June 2013,waxana asaasay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay,waana xafiis loogu talagalay in uu ka howlgalo gudaha dalka soomaliya,isagoona ka taageeraya Soomaliya Nabada iyo Dowlada dhisida,horumarinta Hanaanka Fadaralka,dib u eegista Dastuurka iyo in uu door muuqda ka qaato Doorashooyinka 2016-ka ka dhacaya Somaliya.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

[Audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/s557wabycg/Cabdiweli_Gaas.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

no images were found

 

Dhamaad

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online