Mu’markii Sanadlaha Ahaa ee Abuubakar As Saddique oo bilaaban doona

August 26, 2014 - Written by Editor

ogeysiisMinneapolis:-Waxaan ugu bishaaraynaynaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Minneapolis, St. Paul iyo nawaaxigooda in uu soo dhawaadey Mu’tamarkii sanadlaha ahaa ee uu soo qaban qaabin jirey masaajidka Abuubakar As Saddique iyo Golaha Isutaga Imaamyada Soomaaliyeed Ee North America. Mu’tamarka Sanadkan waxaa loogu magacdarey qawlka Alle ee ah “Allaah ma badalo dad ilaa ay ayagu is badalaan.” Sida shicaarka Mu’tamarka ka cad, waxaa looga hadli doonaa mu’tamarka isbaddal maxaa la yiraahdaa? goormaa isbaddal la helaa? siyaabaha kala duwan ee isbaddalka iyo wadooyinka isbaddalka lugu gaaro. Waa mowduuc aan aad ugu baahi badannahay haddii aynu nahay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Mu’tamarka sanadkan waxaaa lugu soo darey barnaamijyo kala duwan oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada kaafinaya. Ciyaaro (Sports) kala duwan ayaa lugu soo kordhiyey mu’tamarka sanadkan. Waxaa la keenayaa Pony Rides ama fardaha yaryar ee ay carruurtu koraan. Waxaa dhici doonaa Basketball (Tartanka Kubadda Koleyga) Tournament iyo Soccer (Tartanka Kubadda Cagta) Tournament oo dhalinyarada loogu talagaley.

Barnaamij saddex saac soconaya oo gabdhaha u khaas ah ayaa lugu soo darey mu’tamarka sanadkan. Ugu dambeyntii waxaa lugu soo darey mu’tamarka sanadkan dood cilmiyeed ku saabsan doorka culummadu ay ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiskeeda. Barnaamijkani waxa uu qayb ka yahay barnaamijkii walaal Sadiq Warfa ee Fagaaraha.

Intaas, waxaa dheer Seminars farabadan oo ku bixi doona luuqadda Af Soomaaliga iyo Af English ka . Seminars ka bixi doona waxaa ka mid ah seminarkii aadka looga heley ee uu soo jeediyey hadda ka hor Sh. Abdirisak Hashi. Seminar ku saabsan hogaaminta ama Leadership oo uu soo jeedin doono Sh. Mohamed Idris. Seminar ku saabsan Siyaasah Sharciyah oo uu soo jeedin doono Sh. Abdirahman Sh. Omar. Seimarada English ka ee bixi doona waxaa ka mid ah Seminar Culuumta Quraanka ku saabsan oo ay soo jeedin doonaan Sh. Karim Abu Zaid iyo Sh. Okasha Hassan. Seminar ku saabsan kaalinta gabadha muslimadda ah ay ku leedahay diinta Islaamka oo uu soo jeedin doono Br. Abdulmalik. Seminaar salaadda ku saabsan oo ay soo jeedin doonaan Sh. Mohamed El Shinawy iyo Sh. Shadeed Mohammed.

Waxaa sidoo kale bixi doona barnaamij ku saabsan suugaan soomaalida. Barnaamijkan waa barnaamij baraarujinaya ahmiyadda barashada afka Soomaaliga. Waxaa ka qayb qaadanaya Abwaan Saciid Saalax. Abwaan Luqman, Abwaan Abdirahman Shaacir iyo Abwaan Cabdinasir Dhagdheer.

Mu’tamarka sanadka waxa uu dhacayaa 29 ka, 30 ka, iyo 31 da bisha aynu ku jirno. Waa jimcada, sabtida iyo axadda ee usbuuca soo socda. Saacaduhu waa 10:00am ilaa 11:00pm. Waxa uuna ka dhacaya sidii caadadu aheyd Minneapolis Convention Center.

Waxaan rajeynaynaa dhamaantiin in aad ka soo qayb gashaan Mu’tamarka sanadkan. Wanaaga iyo Khayrka in aan is gaarsiino waa arin waajib ah oo annaga oo dhan na saaran.

Culumada ka soo qayb galeysa Mu’tamarka waxaad ka eegtaa flyer ka ku lifaaqan.

abuubakarconvention@gmail.com

www.abuubakarconvention.com

Gudoomiyaha Mu’tamarka 2014
Abdirahman Mohamed (Xiddig)

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online