Mushkiladda Somaliya ma Al-Shabaab baa mise kalsooni xumo W/Q Mukhtar Qoransay

August 28, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Hordhac:-Barnaamijka Late Night Show Universal TV ee uu daadihinayay wariye Cabdixafiid habeenkii 23.08.2014 ee uu kuwaraystay Sh. Bashiir A. Salaad, ayaa ah mid dib u eegid iyo falanqeyn ubaahan sababtoo ah waxaa lagu rogrogay su’aalo taabanaya sedex arimood oo muhiima Diinta, Siyaasadda iyo Arimo Bulsho ee xalkooda la wada doonayo. Waxaana tilmaami doonaa 4-qolo oo arimahaan dawr kaciyaara sida Beesha Caalamka, Siyaasiyiinta, Wadaadada & Ganacsatada.

Maxaa hortaagan sharafteena iyo kala danbeynta umaddan?

Su’aashan oo aheyd middii labaad ee Sh. Bashiir la waydiiyay, ayaa ah mid gun-weyn, wuxuuna jawaabteeda ku bilaabay «Waa in laga qabto dood fara badan, waxna laga waydiiyo dad badan, si qof kasta uga fiirsho xagal iyo dhinacyo kala duwan, anigu hadaan soo dhaweeyo inta aan ka ogahay..». Oraahdan uu Sh. Bashiir kucadeeyay inuu xalka wax’uun ka ogyahay, dadka kale ee wax-ogna wax laga waydiiyo, ayaa muujinaysa wargalnimo, wax-ogolaansho iyo biseyl kamuuqda Shiikha. Waxayna fariin udiraysaa dad badan oo xal-doonayaal ah, laakin is-yiri xalka Somaliya kaligiin ayaa arka, hadii ay ahaan lahaayeen Beesha Caalamka, Siyaasiyiinta ama Wadaadado & Aqoonyahano. Qofku inuu ogaalaadu inuu wax ogyahay, waxna ogeyn, dad kale oo wax ogna jiraan, waxna u ogol yahay inay la wadaagaan, waxay furaysaa albaab waasic ah oo dadka wada deeqi kara inay xalka kusoo dhawaadaan.

 

Kadib wuxuu Shiikhu isbarbardhigay aragtida Qurbo-joogta & Qaran-joogta xagga dalka iyo fursadaha & carqaladaha kajira wadankii, isagoo tusaalayaal usoo qaatay daneynta waxbarashada, dadku inay garteen raacidda masaalixdooda oo ay ka daaleen durbaankii qabyaaladda ee danaha lagu gaarayay, balwad soo yaraatay, wanaagga iyo qofkii sheegaya in fursad lasiinayo, inuu isa soo tarayo isku tashiga, mustaqbal eegidda iyo inay dadku dalkooda dhistaan, sida wadooyin, buundooyin, masaajiddo iyo iskuulo.

 

Xagga carqaladaha wuxuu Sh. tilmaamay dhibaatada ugu weyn inay tahay Dhalinyarada oo isaga ula muuqata carqaladda 1aad ee hadda laga xasili la’yahay. Tan oo ay kusoo gabbanayaan dhibaayooyinka kale, sida awoodaha iyo masaalixda shisheeye, kala jajabinta iyo musuqmaasuqa. Wuxuu kaloo raaciyay cudurka qabyaaladda iyo kalsoonida dadka oo kala dhimatay.

 

Falanqeyn

Su’aashaas kore ayuu Shiikhu uga jawaabay qaab isbarbardhigid awoodda & jileeca jira iyo fursadaha & hanjabaadyada sharafteena hortaagan. Fursadaha uu Shiikhu sheegay markii si loo eego way muuqdaan saansaanahooda, waana kuwo bedeli kara aragtida Qurbo-joogta. Markuu Sh. tilmaamayay carqaladda Dhalinyarada waxaa laga dheehanayay ixtiraamid dadka uu dhaliilsan yahay. Wadaadku marna ma aflagaadeyn, magacyo cusubna uma bixin, Diintana kama saarin, laakin wuxuu tilmaamay fakarkoodu inuusan saxsaneyn, una adeegayo masaalix iyaga gaar u ah ama meelo kale laga keenay. Waxaana la is oran karaa waa cashar ay ka faa’iidi karaan Wadaaddo ay Shiikha isku xeryihiin, oo aragtidooda shakhsi kadhiga aayad Quraan ah iyo Siyaasiyiin u taagan xaalado abuur iyo Dhalinyarada laftigooda ee isku doortay inay Diinta kayihiin wakiilo. Sidoo kale waxaa kalsooni abuuraysa inuu Sh. tilmaamay inuusan Alle cidna wakiil gaara uga dhigan diintaan ee ay tahay mid Muslimiinta kawada dhaxaysa. Qofkuna inuu wax daliishado aysan macnaheedu aheyn inuu xaq kutaagan yahay, waayo xaqqa ayaad si qaloocan loo daliilsan karaa.

Dhan kale, walow uu Sh. Bashiir cadeeyay inay tahay aragtidiisa, dad badana ku raaci karaan in Dhalinyaradu yihiin carqalad weyn, laakin hadana waxay dood cilmiyaysan ka dhalan kartaa carqaladahaas is-huwan middee asaas (root cause) u ah inta kale? Hadiise midda asalka ah dabar-go’do, inta kale ma baa’ba’ayaan mise horay ayay u xoogeysteen oo iyagaa hadaba carqalado kale sii abuura? Ninka layiraahdo Mark Paradies (2005) wuxuu kuqeexaa carqaladda asaaska ah (root cause) inay tahay soo helidda asaaska sababaha mushkiladda keenay, markii kuwaas la xaliyana, hor istaagaya inay sababtu faafto ama kuwo ka farcamay faafaan. Waxaana cilmi ahaan jira hanaan loo maro oo loo yaqaan «Root cause analysis – RCA».

 

Guud ahaana markii la eego carqaladaha asaaska ee la isku raacsan yahay inay hortaagan yihiin Afrika, gaar ahaana saameeyn kuleh Soomaliya, waxaa kamid ah siyaasad musuq-maasuqeysan (Political corruption) oo ay kadhalanayso inaan kalsooni iyo ixitiraam loo hayn Sharci & kala-danbeyn, raadkii kaharay gumaystaha, ganacsi iyo masaalix iyo khayraad la isku eryanayo (Corporate Interests), siduu yiri Denny Schechter “As the companies duel, countries and communities often find themselves in the crossfire” ama Madaxweyne Julius Nyerere ee Tanzaaniyiintu u yaqaaneyn Aabihii Qaranka “Baba wa Taifa – Father of the Nation” ee marhore yiri “It seems that independence of the former colonies has suited the interests of the industrial world for bigger profits at less cost. Independence made it cheaper for them to exploit us. We became neo-colonies”. Ama sida ay xuseen Siyaasiyiin iyo Culumo caalami ah in Afrikaanku yaqaanaan u adeegidda masaalix dad kale, tooda’se aysan aqoon. Gaar ahaan waxaa lagu tilmaamay horjoogayaasha Soomaalida inay sidaas ubadan yihiin. Waxaana tusaalayaal fiican kadheehan karnaa Siyaasadda, Diinta iyo Ganacsiga inaan loogu adeegeyn masaalixda dadka Soomaaliyeed ee rajada qaba, laakin loogu adeegayo dadyow kale ee aan waxba ku laheyn dalkan, danna u hayn. Markaa ma oran karnaa Dhalinyarada waa lala wadaagaa inay yihiin sababaha asaaska mushkiladda Soomaaliya? Jawaabta waxaan kasii dhex fahmi karnaa qaybta xigta iyo cidda abuurta kalsooni xumada.

 

Sababta kalsooni darada iyo cidda ay kadhaxayso?

Jawaabtaan 3aad ayuu Sh. ku rogrogay dadku hadii ay wax isku darsadaan, wixiina hab-maamulkoodi wali cagadhigan, loona jeexin hab-dowladeed loo maro, lana isku raacin sida qof walba xaqiisa kuhelayo, habdhaqankii geeljirnimada wali jiro, isdulmin badana dhacday, wacyiguna hooseeyo, inay kadhalanayso qofka inuu kabaqo in wax laga hoos baxsho, isna yiraahdo wax dulmi intii lagu dulmin lahaa. Sidaa awgeedna ay sii xoogaystaan dulmiga iyo kalsooni xumada dadka dhextaal, illaa qofku wax aysan cidna kuhaysan sida kursi diyaaradeed ka abuuro fawdo iyo iskudhac aan meesha oolin. Tan oo ay kadhalanayso in umaddan lagu wareeriyo wax aanan kadhex shaqeyn karin diin iyo dhaqan ahaan. Wuxuuna Sh. xalka kusheegay in qofku barto xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa, dadkuna samaystaan wax katarjumaya baahidooda, kuna jaango’an awoodooda iyo xoojinta kalsoonida dhexdooda.

 

Jawaabtan ayaa la oran karaa waa mid uu Wadaadku fariimo badan ugu gudbinayo bulshada Soomaaliyeed, Siyaasiyiinteeda iyo Beesha Caalamka. Bulshadu inaysan xoojin ama u hiilin dhaqanka geeljirnimada iyo dulmiga baadiyaha kasoo bilowda, kuna baraarugaan hadii mar la magaaloobay inuu dhalanayo wax layiraahdo mujtamac dano guud wadaaga, iskuna khasban, una baahan nidaam kala haga. Fariinta kale ee Sh. udirayo Siyaasiyiinta ka taliya dhamaan gobalada Soomaaliya, ayaa ah inaysan sugin kalsooni shacab aysan u jeexin hanaan dowladeed oo cadalaadeysan iyo hiiraal meel gaarsiin kara. Sideese xaq ugu lahaan kartaa kalsoonidooda adigoo kaqaadaya caanshuur aadan waxba ugu qabaneyn, una adeegsanaya ilma adeeradaa iyo keliya inta aad isku danta tihiin ama dano dad shisheeye wadaagtaan? Intaas waxaa dheer Sh. inuu fariin u dirayo Beesha Caalamka iyo madaxeeda Soomaliya Mr. Nicholas Kay inaysan dadkaan ku khasbin wax aysan kuqabin kalsooni, Soomaaliyana laga dhigin goob marba mashruuc siyaasadeed lagu tijaabiyo (Political & Economic Experiment Lab).

 

Falanqeyntaan Sh. hadaad ugu fiirsato waaqica Soomaaliya waxaa kuu baxaya Siyaasitiinta, Ganacsatada waaweyn iyo Matalayaasha Beesha Caalamka inay kadhaxeeyaan loolan iyo masaalix aysan isla fahansaneyn oo lagu dhex riday malaf wadashaqeyn xumo, oo ay kadhalato natiijo xumo. Sedexdaas qodob ayaa dhexdooda ka abuura kalsooni xumo, bedbedelid joogta ah. Kadib kalsooni xumadaas waxay usii gudbiyeen ganacsatada yaryar, jeeblayaasha keligood caanshuurta laga qaado, qofka iska-shaqaysta, ardayda, hooyooyinka, ninka jidka-maraya iyo bulshada inteeda kale oo xuquuqul insaan iyo mid mu’waadinimo helayn. Sidaa awgeed waxaa sii burbura kalsoonidii dhexdooda, ilaa qofku gaaro heer uu kashakiyo adeega uu iibsaday ee uu xaqqa u leeyahay inuu heli karo, iska hilmaam wax dowlad, maamul ama beel caalam gacanteeda kujira inuu wax kahelo.

 

Gunaanad

Waxaan guud ahaan oran karaa wuxuu ahaa mid kamid ah kuwa ugu fiican barnaamijyada wacyi gelineed iyo fikri ee ay soo daayaan TV-yada Soomaalida. Sh. Bashiirna waa Mufakkir kamida Mufakkiriinta Soomaaliyeed oo ay bulshadu ka faa’iidaysan karto. Waxaana u arkaa inay barnaamijkan waxbadan kala bixi karaan 4-qolo: 1)Wadaadada ladhaca wacdiga diineed inta masaakiinta ah ee aysan taladu ka go’in, dhibtuna haysato, isla markaana u muuqda inaysan hadaf fog ka laheyn mu’tamarada. 2)Siyaasiyiinta ku wareersan sababta ay dadku ugu kalsoonaan la’yihiin, iskuna dayaya inay gudbiyaan fariin aysan si saxa usoo fahmin iyo waxa keenay inaysan haysan (Political Confidence and Trust). 3)Aqoonyahanada aanan aragtiyadooda aqooneed tijaabo-gelin ama soo min-guuriya aragtiyo kale oo aan la garaneyn inay bulshadaan ku haboon tahay. 4) Ganacsatada jeebka weyn ee ah dadka ugu naxariista daran dalka iyo dadkaba.

 

Sidoo kale wuxuu barnaamijku fariimo muhiima u gudbinayay Madaxda Soomaalida, Madaxda Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya iyo Dhalinyarada kusocota gudcurka iyo qodxaha. Dhanka kale, inkastoo Sh. Bashiir kudheeraaday aragtidiisa carqaladda Dhalinyarada, hadana waxaan isleeyahay way fiicnaan laheyd in xoogga la saaro carqaladaha kale, gaar ahaan su’aashii kalsooni-xumada bulshada dhextaal, sababaheeda, cidda keentay, cidda hurisa iyo cidda ka taajirta. Shacabka Soomaaliyeedna inay ku baraarugaan 4-ta qolo ee arimahaan kaciyaara dawrka weyn.

Mukhtar Qoransay
Tifaftiraha Kafaalo Magazine
qoransay@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online