Muxaadaraadkii uu Sh Bashiir Axmed Salaad ka jeediyey Masaajidda ku yaal Nairobi [Daawo]

August 12, 2014 - Written by Editor

maxresdefaultNairobi:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Sh.Dr. Bashiir Axmed Salaad, ayaa maalmihii la soo dhaafay, ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya , isagoona ku qabtay muxaadaraad dhowr ahaa. Sh Bashiir Axmed Salaad, ayaa muxaadaradiisa koowaad ku qabtay masaajidka Abuu Bakar (6ka) waxaana sheekhu muxaadarada ugu magac daray Tilmaamaha guud ee Tubta Toosan, waxaana ka faa’iideystay dad badan oo qaarkood ay kala socdeen qolalka Paltalk.

Hoos ka Daawo muxaadaradadii 1aad Tilmaanta guud ee Toosnaanta Sh Dr Bashiir Axmed Salaad.

Muxaadarada labaad ee Sh. Bashiir, ayaa waxa uu ku qabtay masaajidka Hidaaya, waxaana uu muxaadarada magac uga dhigay Kaalinta qofku ka qaadan karo waxtarka Bulshada, isagoo soo bandhigay qodobbo muhiim ah oo mowduuca khuseeya.

Hoos ka daawo muxaadaradii 2aad Kaalinta qofka iyo waxtarka bulshadiisa Sh Dr Bashiir Axmed Salaad.

Muxaadarada saddexaad ee Dr. Bashiir, ayaa waxa uu ku qabtay masaajidka Islii Mool, waxaana uu uga hadlay, casharrada laga baran karo Ramadaanka, maadaama mar dhow uun la mac-salaameeyey bishii barakeysneyd.

Hoos ka daawo muxaadaradii 3aad Casharka laga baranayo Ramadaanka Sh Dr Bashiir Axmed Salaad.

Guddoomiyaha hay’adda culimada ee dalka Soomaaliyeed, Sh Dr Bashiir Axmed Salaad ayaa muxaadaradaadka uu masaajidka ku qabanayey waxaa u wehliyey, kullamo uu la yeelanayey ducaadda iyo culimada dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online