Qoraal ay si wada jir ah ugu direen EU, IGAD ,UN, Nicholas Kay Madaxweynaha Puntland Dr Gaas.[Akhriso]

August 17, 2014 - Written by Editor

UN-IGAD-EU-Letter-to-President-Gaas-of-PuntlandGarowe, 17 Agoosto 2014 Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa maanta ballan qaaday in taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland ay ahaan doonto mid joogto ah mar uu ka hadlayay munaasabad loogu dabaal degayay sannad guuradii 1-aad ee UNSOM oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee  Garoowe. “Sanadihii la soo dhaafay Puntland waxaa ay ku talaabsatay horumar muhiim ah ee xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga taas oo ay dowladda iyo dadka reer Puntland ammaan ku mudanyihiin. Laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo wali u baahan in la qabto, oo ay ka mid tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kale ee soo unkamaya, sameynta nidaam federaal ah, dib u eegidda dastuurka kumeel gaarka ah iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016.

Wada shaqeyn buuxda oo dhex marta Dowladda Puntland, maamulada ku meel gaarka ah iyo kuwa hadda dhismaya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waa wax ku ool,” ayuu yiri Mr Nicholas Kay
“Soomaalida oo dhan waxaa ay wax ka baran karaan kana faa’iideysan karaan qibradda Puntland iyo guulaha ay gaartay laga soo bilaabo 1998.  Waxaan hubaa in maamul gobaleedyo federaal ah oo ka sameysma Soomaaliya ay Puntland iyo Soomaliyaba dan ugu jirto.

Puntland ma dhumin doonto deegaannada ay hadda maamusho” ayuu sii raaciyay. “Xuduudaha kama dambeysta ah waxaa la go’aamin doona iyada oo la eegayo geeddi socodka ku xusan dastuurka qabyada ah ee federaalka,” “Kaalmada caalamiga ah ee loogu talo galay nabadda iyo dowlad dhisidda Puntland waa ay sii socon doonaan iyada oo ay hagi doonaan mabaadi’ii la haasho Soomaalinimo, hoggaan iyo xurmeynta dastuurka qabyada ah ee federaalka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah.

Halkaan ka eeg  Warqad ay si wada jir ah uga socota Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, Ergayga Gaarka ah ee IGAD, Mohammed Affey, iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub, Michele Cervone kuna socota Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” taas oo ku saabsan heshiiskii dhowaan loogu talo galay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya

Source: unsom.unmissions.org

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online