Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya oo tegay Kismaayo

August 20, 2014 - Written by Editor

Dekedda-KismaayoKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman. Wafdiga  Safiirka UAE  ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa si weyn ugu so dhaweeyey madaxda maamulka Jubba  waxaan uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

Ilaa hadda ma cadda u jeedka socdaalka  Safiirka UAE  Mohamed Ahmed Othman iyo wafdgiisu ay ku tageen magaalada Kismaayo balse warar soo baxaya ayaa sheegay in safirka uu doonayo in uu ka caawiyo maamulka Jubba arrimaha ku saabsan dhinac horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarka ciidanka.

Kulan ay si gaar ah u wada yeesheen Madaxweynaha maamula Jubba Axmed Madoobe iyo  safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman  ayaa saxaafadda  dibada ka joogtay  waxaan uu kulanku ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo.

Booqashada safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman uu ku tegay magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaysa xili maalin ka hor socdaal ay ku tegtay Kismaayo  Wafdi ay hoggaamineyso wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta, Leila Zerrougui.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online