Dugsi Sare oo laga furay Tuulada Qarxis ee Degmada Eyl (Masawiro)

August 25, 2014 - Written by Editor

vlcsnap-2014-08-23-03h25m33s14Garoowe:-Waxaa markii ugu horeysey laga furay Tuulada qarxis Dugsi sare oo ay Tuuladu yeelato, arrintan oo ay aad usoo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan, deegaankaas.

Qarxis: waa Tuulo ka tirsan Degmada Eyl, waxayna ka xigta dhanka laamiga ilaa 75km. waxayna udhaxaysaa Degmooyinka Eyl iyo Dangorayo, waxaa lagu qiyaasaa Dadka ku nool ilaa 400, oo qoys. waxaana la asaasay: 1970, waxaa dugsigii ugu horeeyey laga asaasaya: 1972, waxay tuuladu leedahay deegaan miyi oo aad ubalaaran iyo Tuulooyin. waxaa dugsigeeda hoose/dhexe wax ka barta arday ku dhow ilaa 300 oo arday, waxaana sana dugsiyeedkan: 2014/2015 Dugsigeeda Sare lagu furay arday gaaraysa ilaa: 22. araday.

Hadaba iskaashi ay sameeyeen Bulshada deegaanka, Culamada, qaar ka mid ah Qurba joogta, iyo Wasaaraddda waxbarasha Dp. ayaa waxaa Xarigga looga jaray 24/08/2014m. Dugsi sare oo ay Tuuladu Yeelato, kaas oo ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin Sar-sare oo ka socday Laamaha kala duwan ee Dowladda, Mu’asasada Al-muinhaaj ee Dawcada iyo horumarinta, Dugsiyada sare ee Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale.

• Maamulaha Dugsiga H/dh/Sare ee Tuulada qarxis, Axmed Ciise yuusuf, ayaa ka warbixyey dugsiga soona bandhigay baahida loo qabo furitaanka dugsi sare oo ayaa Tuuladu yeelato.

• Agaasimaha Tacliinta sare, C/llaahi Cali Jaamac cawad : oo ahaa Mas’uulkii ka socday Wasaaradda waxbarashada ee D/Puntland. ayaa ugu hamabalyeeyey Bulshada reer Qarxis, fursadan ay xaqiijiyeen wuxuuna ku dhiiri geliyey taabo gelinta hawshan qaran ee ay dhabarka uriteen, wuxuuna ugu baaqay Dowladda iyo Bulshadaba in ay daruuri tahay in loo helo ardayda dugsigan, Sheybaar iyo Maktabad ka caawisa kor uqaadida aqoonta ardayda.

• Xildhibaan C/salaam Xuseen Bootaan: ayaa isna dhankiisa ku dhiirri geliyey ardayda iyo Macalimiintaba in ay kasoo dhalaalaan Mas’uuliyadda kaga aadan hawshan qaran.

• Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/qani Xaashi Cali: ayaa Gabagabadii ku baaqay in ay daruuri tahay in dhammaan la iska kaashada taabo gelinta Dugsiga sare ee Tuulada Qarxis, wuxuuna ku Nuux-Nuuxsaday Faa’iidooyinka waxbarshada iyo qiimaha ay leedahay.

• Guddoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj, ee dacwada iyo horumarinta Sh: Mukhtaar Axmed Faarax: ayaa isna dhankiisa ku baaqay in lagu garab istaago ardaydan, dowlad iyo shacab intaba, hawshan Culus ee sugeysa wuxuuna ballaan qaaday in ay ka Mu’asaso ahaan utaageerayaan Tuulada sidii aya Markii horaba ugarab istaagnaayeen.

• Sh: Cabdi Xirsi Cali Bootaan Maamule ku xigeenka Dugsiga sare ee Gambool, Guddoomiyaha Waxbarshada Deg: Eyl: Maxamed Xaaji Muuse, Sh: Yaasiin Cabdulaahi Cali, Guddoomiyaha Tuulada Qarxis, Maxmed Qayliye Aw Cabdi iyo Xaaji Yuusuf Faarax Garcadde ayaa dhammaan iyana adkeeyey Muhimadda ay leedahay Furitaanka Dugsigan sare ee Qarxis.

no images were found

Gagabo: hadaba furitaanka Dugsigan sare ayaa wuxuu meesha ka saari karaa Hayaamidda Sanadka kasta ay ka guurayeen tuulada Tobanaan qoys kuwaas oo ilama hooda ula hayaamayey Tacliin Dugsi sare maadaama ayan tuuladu lahay, waxaana ay noqotay arrintani mid farax gelisa dhammaan dadka daneeya horumarka deegaanka.

Mu’asasada Al-muinhaaj ee Dawcada iyo horumarinta
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online