Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

August 19, 2014 - Written by Editor

KismayoKismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdi ay horkaceyso wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta, Leila Zerrougui waxaana Gaoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax ka tirsan Maamulka Juba.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta ayaa waxaa socdaalkeeda ku weheliya  ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour waxaana ay kulan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Leila Zerrougui  ayaa sheegtay ujeedada socdaalkeeda in uu yahay in laga hortago askareynta Caruurta  iyo sidii xir fado gaar ah loogu sameyn lahaa caruurta  iska soo dhiibta kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka haweenka maamulka KMG ah ee Jubba Marwo Qamar Deeq Khaliif ayaa iyada sheegtay in ay ku faraxsan tahay in wafdiga ay hogaamineyso Leila Zerrougui  waxayna ay sheegtay in Maamulkeeda ay wax ka qaban doonaan xad-gudubka ka dhanka ah carruurta oo ay ugu horeyso askareynta

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online