Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaliya Danjire Nicholos Kay oo tegay Garoowe.[Masawiro]

August 17, 2014 - Written by Editor

IMG_6655Garoowe:-Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland .Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa ka qayb qaatay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Maamulka Gobolka Nugaal iyo Dadwayne kale oo u diyaarsanaa soo dhaweynta Danjire Nicholos Key.

Intaas kadib ayaa Danjire Nicholos Key iyo Martidii la socotay waxaa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee  Somaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland,imaanshihiisana waxay muhiim u tahay inaan kawada hadalno xaalada Soomaliya iyo Gaar ahaan tan Puntland ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Soo dhaweynta loo sameeyay isagoona sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay Imaanshihiisa Puntland,waxana uu sidookale cadeeyay in markii lixaad oo uu yimaado Puntland ay u tahay Maanta .

Kulan Gaar ah oo ay wada qaaten Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Nicholos Key ayaa waxa ay uga wada hadleen:-

1.Xiriirka u dhaxeeya Q.M iyo Dowladda Puntland

A:Waxa labada Masuul isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Q.M sida uu cadeeyay Madaxwayne Gaas.

2.Xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Puntland iyo Fadaralka

Iyadoo oo uusan wanagsaneyn Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Fadaralka ayaa hadana labada dhinac waxa ay isla soo qaaden sidii xal waara looga gaari lahaa,Balse madaxwayne Gaas ayaa sheegay in uu sii xumaaday Xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Puntland  iyo Fadaralka kadib markii la saxiixay hashiiski lagu Sameynayay maamulka Gobolada dhexe .

‘’Qaabka loo wajahayo Doorashada Soomaliya ka dhacaysa 2016-ka oo ay ku dhamandoonto wakhtiga Madaxda Dowladda Fadaralka ah ee hada jirta arimahaas oo dhan oo muhim ah ayaanu kawada hadalnay runtiina si fiican ayaanu isugu afgaranay waxana rajaynaynaa in wax wanagsan ay uga soo baxaan Puntland iyo Soomaliya oo dhan ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Gaas.

Nicholos Key ayaa xaqiijiyay in hashiiski dhawaan lagu saxiixay Maamulka Gobolada dhexe Saxiixiisuna uu ka dhacay Magaalada Muqdisho uusan waxna u dhimeyn dhulka iyo Gobolada ay leedahay Puntland .

‘’Wadahadal kadib waxaan rajaynayaa in xiriirka Dowladda Puntland iyo Fadaralka uu si tartiib tartiib ah uu u hagaagayo anigana waxaan ku dadaalaya in wax kasta oo suurtagal ah xiriirkaasina ku wanagsanana lahaa aan horay u mariyo’’Ayuu yiri Nicholos Key.

no images were found

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online