DIFAACA DIINTA MIYAAN LOO SINAYN? W/Q Sheekh Mukhtaar Axmed

April 13, 2017 - Written by Editor

HORUDHAC بسم الله الرحمن الرحيم. الحمد لله وكفى والصلاة والسلام على رسوله الأمين وعلى آله وصحبه أجمعين.. Allaah Weynaaye, waxaa Sunnadiisa ka mid ah inuu Rusul usoo diro Aadanaha si looga badbaadiyo inay ka dhumaan dariiqiisa saxda ah, kuwaasoo fara wixii Allaah kadoonayo kana reeba wixii uu ka reebay. Rusushaas waxaa ugu danbeeyey Nebi Muxammad (SCW) oo Allaah uu soo diray 14 qarni ka hor, wuxuuna ahaa Rasuulkii ugu danbeeyey ee aadanaha loosoo diro.

Hadaba taas micnaheedu ma aha in aadanaha ay ka dhextirtirantay sii wadidii farriintii Rususha, gaar ahaan Farriintii adduunka oo dhan ku socotay ee uu xambaarsanaa Nabeieennu (SCW). Intii uusan dhiman Suubanuhu wuxuu Xajkiisii ugu danbeeyey kula dardaarmay ummadiisa guud ahaan iyo gaar ahanna intii maalintaas la joogtay oo lagu qiyaaso inay ka badnaayeen 120,000 (boqol iyo labaatan kun)oo qof. Muddadaas ka dib wuxuu Rasuulku (SCW) noolaa dhowr iyo siddeetan habeen oo keli ah.

Wuxuuna xilkii dacwada ku wareejiyey maalmahaas uu xajinayey dhammaan ummadda muslimiinta ah,(wiil iyo gabar, yar iyo weyn, culimo iyo caamo, madax iyo majo intaba). Ummaddaas oo ah intii maalinkaas la joogtay iyo midda imaan doonta ilaa ay qiyaamadu ka dhacayso.

Haddaba waxaa habboon inaynaan dhammaanteen hilmaamin in xilkaasi dhabarka inaka saaranyahay, ayna waajib ku tahay qof kasta inuu u guntado siduu uga soo dhalaali lahaa xilkaas.

MILICSI KOOBAN.
Ummadda Soomaliyeed oo ah ummad Muslim ah 100% waxay ka mid tahay ummadaha lagu tilmaamo inay aad u jecelyihiin diintooda, waxayna ka mid tahay bulshooyinka adduunka ku dhaqan ee ay saamaynta xoogga leh ku yeesheen afkaarta Diineed ee qalloocan (Xagjir), oo haddana diinta lugu nabayo, waxaana ugu xoog badan afkaaraha qaldan ee magaca diinta sheeganaya Firqooyinkaan soo socda:

1-SHABAAB (Khawaarij) oo ah Firqo waxbadan ka waafaqsan Fikirkii iyo Caqiidadii Khawaarijta ee ay Diintu kadigtay, waxayna dhaqan ka dhigteen inay umadda Soomaaliyeed Gaalaysiiyaan kadibna ay bannaystaan, Dhiigooda, maalkooda, iyo Sharafkooda, dhibaato badanna ugaysatay umaddan.
2- TAKFIIR: (Khawaarij) oo ah Firqo Soomaaliya meelo badan ka joogta, sida magaalooyinka: Qardho, Baardheere, Laascaano, Gaalkacyo, Baladweyne, iyo magaalooyin kale, balse marka laga reebo Qardho oo xaruntoodu ku taallo kuma lahan saamayn badan, waxayna aaminsanyihiin in Umadani dhammaanteed ay Gaalo yihiin, balse marka la akhriyo Siyaasadda Dacwadooda aysan weli gaarin xilligii ay ku duuli lahaayeen Umadda Soomaaliyeed, ayna bannaysan lahaayeen Dhiigooda.

3-SHIICADA: (Raafida ama Imaamiya) Shiicada gaar ahaa Raafidada ay xarunta iyo hoggaanka u tahay Eeraan waxay dhowrkii sano ee ugu danbeeyey galaangal xooggan ku lahaayeen Dalka Soomaaliya, waxaana jira dhowr daraaso oo laga qoray, ayna ugu danbaysay mid bishaan afraad uu soo saaray Machadka Daraasadaha iyo Cilmaabista Soomaaliyeed ee Muqdisho ku yaalla, waxayna tilmaamayaan Cilmibaarisyadaasi iyo dadka aadka uga warhayaaba inay saamayntoodu ka xooggantahay sida la moodayo.

Shiicadu/ Raafidadu waa koox diidan waxyaabo badan oo caqiidada muslimiinta ka mid ah, sida: saxnimada Qur’aanka iyo Sunnada (xadiiska nabiga), isla markaasna necib oo gaalaysiiya asxaabta Nebigeena oo ay ugu horreeyaan Abuu bakar, Cumar iyo Cuthmaan. Marka la soo uruuriyana lagu tilmaami karo inay yihiin ummad aan ku kala duwanahay diinta aan haysano usuusheeda, waxayna aaminsanyihiin in sunniyiintu oo aynu ka midnahay ay yihiin cadaowgooda koowaad, ayna mudanyihiin inay si xun u laayaan.

4-SUUFIYADA XAGJIRKA AH (غلاة الصوفية) Suufiyadu waxay uqaybsamaan labo qaybood oo kala ah, kuwo aan dhib badnayn oo Muslimiinta kale aan gaalaysiin iyo kuwo khatar ah oo ummadda inta aysan isku safka ku jirin u arka gaalo, kuwasoo mudan in la laayo, waxayna hadda isugu jiraan kuwo hubaysan iyo kuwo aan hubaysnayn.

5- TAKFIIRKA DEGAN (الصادعون بالحق) Firqadaan oo ah Firqo Takfiir/Khawaarij ah, ayna isku fikir yihiin kuwa aan ku soo sheegay qodobka labaad ee qodobadaan, basle kaga duwan oo kali ah saaxiibadood inaysan iyagu Bulshada ka dhexbixin, iyagoo aaminsan weliba inay gaalo yihiin.

Kooxdaani waxay Dalka Soomaaliya joogeen ilaa Todobaatanaadkii ee qarnigii lasoo dhaafay, balse ma aysan ahayn kuwo si gaar ah umuuqda oo waxay ku dhexjireen Bulshada iyagoo weliba si gaar ah isugu xirnaa.

Haddaba waxay ahayd Bishaan afraad 2017, bilowgeedii markii ay hal mar soo saareen Bayaanno isdaba joog ah, ayna daboolka ka qaadeen wixii ay qarinayeen muddo afartanka sano ah sida ay iyaguba sheegeen.

XILKA DIFAACA DIINTA IYO SIXIDDA BULSHADA YAA ISKA LEH?.

Waxaan soo sheegnay in dhammaan kooxahaasi oo dhammi ay joogaan saaxada Soomaaliya, ayna dhammaantood bulshada iyo diinteedaba dhib ku hayaan, haba ku kala duwanadeenee, haddaba waxaa is weydiin leh waa tuma cidda ay waajibka ku tahay inay bulshada iyo diintaba ka difaacdo wixii khalad ah ee ay kooxahaasi ka galaan?. Ma wadaadada keli ahbaa?, ma dowladahaa?, mise cid kale?. Jawaabta waxaan ku soo xusnay xagga sare, waana bulshada oo dhan iyadoo xilku u kala fuulayo siday ugu kala faro dhuudhuubanyihiin, gaar ahaan culumada, aqoonyahanka kale, iyo Jamaacaadka Islaamiga ah oo iyaga xil gaar ah uu sii saaranyahay maadaama ay iyagu umuuqdeen kuwo utaagan ka shaqaynta diinta.

Haddaba markii ay soo baxeen Jamaacaadkani ayna bilaabeen inay bulshada u bandhigaan afkaartooda gaar ahaan Xarakada Alshabaab waxaa aad u yaraa cidda ka hadashay ama ka dhiidhiday ee u kacday inay bulshada ka difaacaan afkaartaas sumaysan marka laga reebo dad kooban oo isugu jira culimo, qalinley iyo maamulada dalka ka jira haba ku kala horreeyeene.

Haddaba waxaa isweydiin leh meeye culumadii oo badankooda aan hadal laga maqal, meeye jamaacaadkii islaamiga ahaa ee loo aasaasay inay diinta faafiyaan oo difaacaan, sida: ( ICTISAAM, ISLAAX, TABLIIQ, SALAFIYA-JADIIDA , DARIIQOOYINKA SUUFIYADA, TAJAMMUC (AALA SHEEKH) iyo culimada mustaqilka ah (aan jamaacooyinka iyo dariiqooyinka ku jirin). Intaas oo dhan hadday isku mar u kacaan diinta faafinteeda iyo difaaceeda soo wax weyn ma qabsoomeen oo shar badan lagama hortageen oo shiicada iyo khawaarijtu ugu shar badan yihiin?.

Waa hubaal in culimada aan soo sheegnay ay wax qabteen haba ku kala horreeyeenee jamaacooyinka iyo culimaduye laakiin waxaynu ka hadlaynaa waa khatarta ummadda iyo diinteeda ku wajahan inta ay le’egtahay iyo waxa la qabanayo ayaan isu dhigmin. Tan kale marka la isbarbardhigo waxa la qaban karo iyo waxa la qabto waxaa muuqanaya nusqaan weyn iyo gaabis aan cududaar lahayn.
waxaa sidoo kale aan meesha kamaqnayn khatarta iyo Sharka ay Diinta iyo Dalkaba ku hayaan Gaalada iyo kuwa soocabbay ama soo dhadhamiyey afkaartooda, sida:
– العقلانية (kuwa diinta Caqliga ka hormariya).
– العلمانية (kuwa aan oggolayn in diintu nolasha hoggaamiso) iyo qaybaha kale ee waxbadan kasoo cabbay afkaarta iyo mabaadi’da Gaalada, kuwaan oo Shartoodu aad ubadantahay, balse ubaahan in maqaallo gaar ah looga hadlo.

GABAGABAYN
Marka hore waxaan ku ammaanyanaa, Dowaladda, Maamulada Dalka kajira, Shacabka Soomaaliyeed, iyo Culumada kuwo Jamaacooyinka iyo kuwa aan kujinba, bahda qalinleyda, Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, gaar ahaan Guddoomiyahooda: Sheekh Bashiir Axmed Salaad, iyo G/xigeenka: Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, iyo dhammaan cidkasta oo ka qaybqaadatay kadifaacidda ummadda iyo diinteedaba afkaaraha iyo aragtiyada gurracan ee Shaatiga diimeed loo sameeyey, ee larabey inay umadda sidii kiniinigii loo laqsiiyo, waxaana ammaantaas usiinayaa cidkasta kalintii ay ka qaadatay, iyo doorkii ay ka ciyaartay, waxaana leeyahay aad ayaad ugu mahadsantihiin kaalintaas aad qaadateen, geesimadaas lama illaawaanka ah, iyo dadnimdaas aad muujiseen (من لم يشكر الناس لم يشكرالله) Qofkii aan dadka umahadcelin Allaahna uma mahadceliyo.

Hadaba hadii aynu intaas islafahamnay akristoow, dabacan waxaa lagama maarmaan ah inaan isweydiinno maxaa inala gudboon si aan udhmmaystirno waxa inoo dhiman (Taladaada adaa dhiiban doona) balse aniga waxay ilatahay:
in innagoo aan is eedayn, istuhmin, is haaraamin, aan wixii tegay ka qoomamayn, aan isdhiibin, inaynu fahamno sidhab ahna uqiimayno, xilka ina dulsaaran wixii aan ka qabanay iyo waxa inaka dhiman, taasina waxay dhali kartaa inaan si buuxda ugasoo dhalaalno xilka inasaaran ee Rabbi inaka xisaabin doono maalinka maxkamadiisa lataaganyahay.

TALO SOOJEEDIN.
waxaa talo kusoo jeedin lahaa sidan:
1. In qofkastaa uu barto Diintiisa lagana gudbo kaalinta caamanimada oo noqotay midda la isku tunjileecsado.
2. in qofkastaa ogaado inaan Diintiisa cidina uga wakiil ahayn, isagana laga rabo inuu isweydiiyo adigu maxaad uqabatay Diintaada fidinteeda iyo difaaceeda? balse wixii dadka kale ay qabtaan ay kuu tahay kabid iyo walaalkaa oo kugarabtaagan, aakhirana ay miisaankiisa ay kasoo muuqanayso ee aysan kaaga ka muuqanayn.
3. inaynu isku biirinno awoodeenna dhammaan, Shacabaka, Dowladda, maamulada dalka, iyo Culumada qaybaheeda kala duwan.
4. inaan ogaanno waxaynu isku waafaqsanahay ayaa aad iyo aad uga badan waxa aan isku diidanahay, hadaba maxaa diidan inaan kawada shaqayno inta aan isla oggolnahay inta kalena, uxallino qaababka kale ee Sharcigu oggolyahay? waa waxba ayey ila tahay.
5. Somaali waxay soomartay dhibaatooyin aad iyo aad ubadan, maantana uma baahna wixii horay ujirey in culys kale lagusoo biiriyo.
6. Ugu danbayn: Hadii ay saaxada Soomaaliyeed kusoo xoogaystaan afkaaraha ku dhisan Gaalaysiinta Dadka Muslimka ah, ee aan sare kusoo xusnay waxaa caddaan ah in ay ka dhalan doonto dhibaatooyin kadaran wixii lasoo maray ilaa Burburkii Soomaaliya.

AFEEF:
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “ama afeef hore lahaw ama adkaysan danbe lahaw”
– Qoraalkani wuxuu katurjumayaa oo keli ah argtida Qoraha.
– waxaan codsanayaa in Qoraalkaan aan loo fasirin siyaabo kabaxsan nuxurka iyo aragtida qoraaga.
– waxaa jeclaanlahaa in qofkii aragti Ka dhiibanayaa uu sifiican u akhriyo qoraalka marka hore.

waad mahadsantihiin, wixii talo ah, ama kafaalood ahna waa idiin furantahay.

W/Q Sheekh Mukhtaar Axmed
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online