Ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanka Tooratoorow (Dhageyso)

January 13, 2020 - Written by Editor

Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa la sheegay inay saaka qabsadeen degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kalene, maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ku toogteen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen dawladda federaalka Soomaaliya.

Warkan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh


VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online