Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari oo riday xukun kala duwan.

January 5, 2020 - Written by Editor

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari, ayaa maanta ku riday xukunno kala duwan Siyaasiyiin iyo Odayaal loo heystay inay eedeyn iyo aflagaado u soo jeediyeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha oo ka soo muuqaday markii labaad Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari,waxaana lagu kala xukumay Xukunno kala ah Ganaax Lacageed iyo Xabsi.

Maxkamadda Darajada kooowaad ayaa saddex bilood ah oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar,ku xukunta Siyaasi Muuse Cali Jaamac , Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay  ku xukuntay Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad oo ku dhawaaqay xukunka lagu riday Siyaasiyiinta iyo Odayaasha wuxuuna sheegay in ay ku caddaatay eedaymo loo heystay sida Kicin-dadweyne iyo aflagaaddo ka dhan ah madaxda dowlad Goboleedka Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online