Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo soo dhaweeyey dilkii Sh Usaama Bin Laden
May 2, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dilka hogaamihii ururka Al-qaacidda Usaama Bin Ladin oo ay saaka dileen ciidamo ka tirsan sirdoonka ee dalka Maraykanka iyo Pakistan.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa kulan uu saaka la qaatay Guddiga Amniga Qaranka ee DFKM soo dhaweeyey dilkii hogaamihii ururka weynaha Al-qaacidda Usaama Bin Ladin.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha DFKM iyo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka, Madaxweynaha DFKM ayaa hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa xusay in hogaamihii ururka Al-qaacidda Usaama Bin Ladin uu ka danbeeyey dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya iyo dagaalka ka socda haatan.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in hogaamihii ururka Al-qaacidda Sh Usaama Bin Ladin uu doonayey in dalka Soomaaliya uu ka dhigo goob looga duulan caalamka waa sidda uu hadlka u dhigaye .
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay DFKM kala shaqeeyaan siddii loo nabadeyn lahaa dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net