Ciidan Boolis ah oo tababar shalay uga furmay xarunta kuliyada ciidanka booliska ee Carmo

May 7, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa shalay ka bilowday xarunta tababarka ee ciidanka Booliska ee Carmo ee gobolka bari tababar loo furay ciidamo ka tirsan ciidanka Booliska ee Puntlland, ciidanka loo furay tababarka ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 77 askari.
Xaflada ciidanka booliska cusub loogu furay tababarka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bari, saraakiil kale duwan oo ka tirsan laamaha ciidan.
Taliyaha ciidanka Booliska ee kulliyadda tababarka Carmo Col.Cali Caydiid Faarax oo oo saxaafada uga warbixiyey ilaa inta uu tababarka uu u soconayo ciidanka isagoo sheegay in bil iyo bar uu ciidanku u socon doono tababarka , ciidanka ayaa waxaa uu sheegay in mudadad ay tababarka ku jiraan lagu bari doono wax yaabo fara badan oo la xiriir ciidanka isagoo ka xusay, Ururinta cashuuraha
dhaqanka wanaaga ay bulshada kula dhaqmayaan , barashadda diinta, iyo xeerarka u degsan ciidanka Puntlland.

Tababarkaan ayaa waxaa maalgeliyey dowlada hoose ee degmada Bosaso ee xarunta gobolka bari, Duqa degmadda Bosaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka hadlay xaflada furitaanka tababarka ee ciidanka ayaa sheegay in tababar kaan looga goleeyahay in ciidan tayo leh la soo saaro si ay u gutaan waajibaad ka saaran howlaha loo egmaday.

Waxaa sidoo kale isagana goobta hadlay Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan , wasiirka ayaa sheegay in ciidanka wax tababarka loo siinayo tababarka ay tahay in ay ka hortagaan kooxaha falalka guracan iyo dilalka ka wada Puntlland kooxahaas oo doonaya in ay wiiqaan nabad ka jirta Puntlland.

Tababarka ciidanka Booliska cusub ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey Isimada waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan Boosaaso, tababarka ciidanka shalay furmay ayaa waxaa uu noqonayaa dufcadii 9aad oo tababarka uga furmo xarunta tababarka ciidanka Booliska ee Carmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2011
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online