Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo

May 2, 2011 - Written by

Garbahaareey:-Waxaa saaka ka qarxay duleedka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo dagaal u dhexeeya ciidamo sheegay in ay raacsan yihiin DFKM iyo ciidanka Al-shabaab , dagaalka ayaa bilowday ka dib marki ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dagaal 4 geeseed ah ku soo qaadeen magalada Garbahaareey oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamo taabacsan DFKM.

Dagaalka oo weli socda ayaa ah mid culus waxaan uu geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray 2 dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyo ilaa 10 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka waxaan ku dhaawacmay 20 qof in ka badan.

Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socdaa gudaha magaalada iyadoo ay u suurto gashay ciidanka Al-shabaab in ay soo jiiraan difaacii hore ee magaalada Garnahaaray ee ciidanka DFKM iyadoo dagaalka hadda uu ka socdo xaafadaha magaalada.

Warar iska horimaanaya ayaa waxaa ay ka soo baxayaan cid gacanta ku haysa magaalada Garbahaareey iyadoo wararkaas ay sheegayaan in ciidanka ururka Al-shabaab ay xaafado ka mid ah magaalada qabsadeen halka wararka kalena ay arrinkaas beeninayaan , saacadaha soo socda ayaa waxaa si rasmi ah loo ogaan doonaa cid gacanta ku haysa magaalada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2011
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online