Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed o dib ugu soo laabtay Muqdisho
May 9, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay xaflad lagu caleemo saarayey markii sedexaad Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle.
Wafdiga Madaxweyanaha DFKM ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde Masuuliin ka tirsan labada gole waxaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga C/shakuur Sh Xasan Faarax, wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/casiis Maxamed .
Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa uu u gudbay xarunta villa Soomaaliya waxaana sii galbiyey ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.
A/Cawale
Halgan.net