Nadwadii 4aad oo xalay ka furantay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Masjidka Ramadaan
July 16, 2011 - Written byGaalkacyo:-Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo waxaa xalay si rasmi ah uga furmay nadwadii afraad, nadwadan oo halku dhaggeedu yahay فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم waxaa furay guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland Daahir Maxamuud Muuse. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu aad u soo dhoweeyay nadwada iyo culimada jeedinaysaba, dadkana wuxuu ugu baaqay inay cilmiga culimadu sheegayso dhaqan u baddalaan, sidoo kale wuxuu goddoomiye ku xigeenku tilmaamay inaan bulshada la qaybqaybinin ee lagu kaaftoomo islaamnimada iyo qiblada loo wada tukanayo.
Xafladda furitaanka waxaa isna ka hadlay garaad Maxamad Cilmi Shirwac oo si fiican u faahfaahiyay baahida loo qabo mideynta codka culimada iyo sidii looga bixi lahaa isgaaleysiinta qoloba ay qolada kale ku tuureyso , wuxuuna ku baaqay in lagu midoobo kitaabka Ilaahay iyo Sunnada nabiga صلى الله عليه وسلم, sidoo kale wuxuu garaadku dadka ku waaniyay inay Ilaahay ka baqaan, kaligiina ay caabudaan oo arrimohooda oo dhanna kaligii u daayaan kaligiisna baryaan.
Waxaa kale oo madasha ka hadlay Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud oo culimada si diirran u soo dhoweeyay, kana codsaday inay magaalada ku soo noqnqodaan, isaga oo yidhi culimooy dadku wuu idin jecelyahay ee xaqa u bayaaniya, wuxuuna suldaanku culimada ka codsaday inay ku baaqaan gogol lagu heshiisiinayo culimada soomaaliyeed isaga oo tilmaamay in ummadda soomaaliyeed ay tahay hal qoys oo muslim ah gudihiisana ay ku jiraan dugsiyo kala duwan wuxuuna tilmaamay in dugsiyadaas heshiisiintoodu lagama maarmaan tahay.
Suldaanku wuxuu si xanuun leh oo faahfaahsan uga hadlay dayaca bulshada soomaaliyeed dibad iyo gudaba ku haysata, wuxuuna ku baaqay in dib loo baadi doono walaalnimadii ummadda dibna loo heshiiyo.
Waxaa isna halkaas ka hadlay nabadoon Axmad Muuse Nuur, wuxuuna si diirran u soo dhaweeyay culimada isaga oo u mahadceliyay ciddii soo abaabushay nadwadan, wuxuuna nabadoonku ku baaqay in loo gurmado walaalaha soomaaliyeed ee abaarahuhu ku habsadeen meel walba oo ay joogaan isagoo carrabka ku dhuftay dadka abaaruhu ku waxyeelleeyeen gobollada koofureed ee dalka.
Dhinaca culimada waxaa u hadlay sh. C/qaadir Nuur Faarax oo tilmaamay in ujeedada nadwadani ay tahay midda ka muuqata halkudhaggeeda, wuxuuna sheegay in nadwadani ay xoogga saareyso sidii bulshada waxa dhexyaalla loo islaaxin lahaa. Sheekhu wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay baaqii Suldaan C/salaam ee ahaa in culimada gogol loo dhigo lagu heshiisiinayo wuxuuna tilmaamay inay dhinacooda diyaar u yihiin wax walba oo lagu baadi doonayo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Waxaa kale oo uu sheekhu si gaar ah ula hadlay dhallinyarada isagoo ku tirtirsiiyay in ay isu xilqaamaan waxtarka ummadda iyo in aysan ka qeybqaadanin dhibaateynta iyo daadinta dhiigga walaalahood.
Sheekh Cabdulqaadir ayaa yididiilo weyn ka muujiyay xal u helidda dhibaatada ummadda heysata, isagoo ku baaqay in si daacadnimo ah la isugu taago ka mira dhalinta arrintaas.
Ereyadaa furitaanka ah wkadib waxaa muxaadaradii kowaad ee nadwada soo jeediyay Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan) taasoo cinwaankeedu ahaa ( الأخوة الإيمانية ) walaalnimada iimaanka. Sh. Xasan ayaa si aad ah uga hadlay walaalnimada dhabta ah in ay tahay tan Ilaahay dadka ahlul-iimaanka ah ka dhexeysiiyay ee aanay aheyn tan dhalashada iyo deegaanka, isagoo tilmaamay aadna carrabka ugu adkeeyay in aysan jirin wax baddali kara galina kara booska walaalnimada ku saleysan caqiidada iyo diinta.
Sheekha ayaa ka bixiyey tusaaleyaal waaqic ah oo tilmaamaya dhibaatada soo gaartay walalnimadii inaka dhaxeysay, isagoo yiri waa mushkilad iyo xanuun aad u weyn in hal magaalo oo ay ku wada nool yihiin dad wada muslimiin ah aan la isu galeyn oo nin walba ninka kale iska waardiyeynayo, xagna iyadoo aysan jirin soohdimo shacabka kala dhexyaal haddana aad dareemeysid in dadka uu ku kala gudban yahay gidaar kala teeda oo ka daran kii kala qeybin jiray magaalada Baarliin.
Sheekh Xasan ayaa is dultaagay in haddii ay dhibaato muuqato kala gaadho muslimiinta sida is dil iyo dulmi kale oo intaa ka sokeeya ay walaaltinnimadoodi halkeedi ahaaneyso maxaa yeelay markii horeba iyagu isma dooranin ee Ilaahay baa isu dooray, Ilaahayna uu Qur’aanka ku tilmaamay laba qolo oo is dishay oo uu sugay inay wali dhaqan tahay walaalnimadoodii ee aysan aheyn sidii barnaamij siyaasi ah ee qofku siduu doono ka yeeli karo. Sheekha ayaa yiri haddii la is qoomo Ilaahay wuxuu nagu wajibiyay in aan annagu heshiinno, haddii labadii qolo oo is qoontay ay garan waayaan in ay iyagu isla heshiiyaan, waxaa Ilaahay ku waajibiyay muslimiinta kale ee ka ag dhow in ay isu taagaan heshiisiintooda, haddii markaa ay labadii qolo middood diiddo heshiiskana waxaa Ilaahay u idmay qoladii heshiiska wadday in ay ku qasbaan qolada heshiiska diiddan arrinkaas haba keensado in dirir hor leh lala galo qolada fallaagowdaye.
Waxaas oo dhan waxaa loo jideeyay in dadka muslimiinta ah aysan kala tegin oo aysan awooddoodu wiiqmin. Sheekha ayaa intaa kadib xusay in la ina amray wax walba oo xoojinaya walaalnimada, loona baahan yahay in muslimiintu ay ka dhaqan dhigtaan, sida salaamta, farxad isu muujinta ficil iyo hadalba, si wanaagsan u wada hadalka iyo in qofka loo xulo kan ugu mudan ereyada, isu naseexeynta iyo isu khayr miirista, wax isu hadiyeynta iwm. Sheekha ayaa tiriyay xuquuqda lixda ah ee muslim walba ku leeyahay walaalkiisa kale ee muslimka ah aadna ugu nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay isu oofinta xuquuqdaas iyo sida ay u bileyso bulshada muslimka ah.
Sheekha ayaa dhinaca kale tilmaamay waxyaabaha wiiqa walaalnimada oo ay ka mid yihiin tilmaamaha liita e Ilaahay ku xusay Suuratul-xujuraat sida, isyasidda, isu faanidda haddey ahaan laheyd qabiil, mansab iyo maal intaba, xanta, is-dabagalka, is dhaleeceynta.
Sheekh Xasan ayaa meel fog geeyay qabiil isku duridda iyo reer isugu faanka oo nabigu s.c.w. ku sheegay in ay ka mid yihiin caadooyinkii xunxumaa ee jaahiliyadii jirtay Islaamnimada horteed.
Sheekha ayaa foolxumo ku tilmaamay in qabyaaladdu ay leedahay caadooyin xunxun oo ay ka mid tahay in qofka qabiiliga ah uu qalbiga isaga heysto utun kasoo jeedda dhibaato qabiilkiisa soo gaadhay 100 gu’ ka hor ama xilli 50 sano ay kasoo wareegtay.
Dad ayaa waxaad maqleysaa iyagoo leh hadalkii hebel waa i yiri ayaa wali maskaxdeyda kasii dhawaaqaya, iyadoo sheekhu uu bidhaamiyay in acmaasha jannada lagu galo ay ka mid yihiin in dadka muslimiinta ah aanan xumaato qalbiga loogu guntin, sida uu nabigu s.c.w. uga markhaati noqday nin ku tilmaannaa dhaqankaas wanaagsan. Sheekha ayaa gunaanadkii muxaadaradiisa kusoo af meeray in walaalnimada inoo dhexeysa wax lagu doorsan karo lasoo waayay, haddii sida muuqata uu madmadow inaka soo galayna loo baahan yahay in la baadi doono.
Muxaadaradii xalay oo si aad ah loosoo xaadiray ayaa aheyd mid si weynu raadeysay dadkii soo xaadiray masjidka iyadoo dadku qaadi waayay masjidka oo laga dhageysanayay xaafadaha ku dhowdhow masjidka iyo jidadka soo gala masjidka Ramadaan oo muxaadaradu ka socotay. Waxaa muaxaadaradii xalay tabinayay idaacadaha Alxikma iyo Radio Gaalkacyo, iyadoo la filayo in muxaadaraadka bixi doona galabta ilaa caawana ay warbaahin intaa ka badan ay tabiyaan idanka Ilaahay.
Nadwada ayaa lagu wadaa in ay socon doonto ilaa shan casho oo xalay laga bilaabo, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in qeyb nadwada kamid ah ay ka bixi doonto qaar ka mid ah masaajidda kale ee magaalada iyo mid kamid ah hoolalka shirarka ee magaalada.
Waxaa sidaa si lamid ah jiraya kulanno lagu wado in ay culimadu si gaargaar ah ula yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Isimmada qabaa’ilka, ganacsatada, aqoonleyda iyo waxgaradka kale ee magaalada ku dhaqan.
Culimada kasoo qeybgashay nadwada 4aad ee magaalada Gaalkacyo ayaa kala ah:-
1) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
2) Sh. Maxamuud Axmed Xasan (Abuu Shaybe)
3) Sh. Axmed C/Samad Cabdille
4) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim
5) Sh. Mahad C/laahi Maxamed
6) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
7) Sh. C/Wali Axmed Muuse Sh. Maxamed Macallin Axmed
9) Sh. C/Casiis M. Cali M. Axmed
10) Sh. C/Risaaq Warsame Fiqi
Halgan.net/
somalimirror.