Morten Storm oo Wareysi uu siiyey CNN-ka hadlay Ikrima iyo Dilkii Saleh Al Nabhan[Daawo]
November 6, 2013 - Written by EditorDenmark:-Waxaa mar kale si kedis ah uga soo muuqday warbaahinta Reer galbeedka Morten Strom oo ahaa Jaasuus u dhaqeynayey mudo dheer Sirdoonka dalka Denmarka ee loo yaqaan PET iyo CIA Maraykanka waxaana uu wareysi gaar ah siiyey TV CNN ka oo ay xaruntiisu tahay dalka Mareykanka.
Morten Strom ayaa waraysigiisa uu siiyey Tv-CNN-ka ee dalka Marayanka waxaa uu ku sheegay in bishii Marts 2012 in Sirdoonka Danmarka ee loo yaqaan PET ay u balan qaadeen lacag gaaraysay ilaa hal Milyan oo lacagta Dhaanishka ah una dhiganta ( $ 200,000 ) doolar haddii uu ku guulaysto dilka Ikrima oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab oo bishii hore ka badbaaday weerar gaadmo ah oo ay ciidanka cirka ee US Navy SEALs ay ku qaadeen guri ku yaal degmada Baraawe sidda ay baahisay saxaafada Maraykanka.
Morten Strom ayaa Wareysiga CNN-ka waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriirka ka dhaxeeyey Ikrima iyo isaga iyo qaabkii ay u wada xiriiri jireen intii uu Morten Strom iska dhigi jiray Muslin Jihaadiiste ah kuna howl gali jiray magaca Muraad.
Morten Strom ayaa waxaa uu xusay in uu la kulmay Ikrima sanadkii 2008 waxaana uu sheegay in ay ku kulmeen caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyaga oo ay kor kala socdeen Sirdoonka Reer Galbeedka.
Kulanki Labaad ee uu Morten Strom la kulmay Ikrima ayaa waxaa uu sheegay in uu ahaa sanadkii 2009 waxayna ku kulmeen mar kale magaalada Nairobi waxaana Ikrima soo diray Masuul ka tirsan Al Shabaab oo uu magaciisa ku sheegay Abdulkadir Warsame si uu qaado qalab Elektronik ah oo ku socday Madaxda Al-Shabaab waxaana uu qalabka ku sheegay Laptop iyo waxyaabo kale Ikrima markaas wax war ah uma heyn in Morten Strom uu yahay Sirdoon u shaqeeya ciidanka Sirdoonka ee Denmarka PET ,kuwa Ingriiska M16 iyo Sirdoonka Maraykanka CIA.
Waxaa xusid mudan in Morten Strom uusan wada sheegin madaxda soo dalbatay qalabka uu ku sheegay Elektronik iyo cida u soo dirsatay waxaan kaliya uu sheegay nin uu magaciisa ku sheegay Abdulqadir Warsame
Morten Strom ayaa xusay in u jeedada qalabka loogu dhiibay Ikrima ayna soo dirsadeen madax ka mid ah al-shabaab uu ahaa qalabkii lagu dilay hogaamiyihii Al-qaacid ee Geeska Afrika Saleh Al Nabhan oo Maraykanku ay ku eedeeyeen in uu ka danbeeyo qaraxyadii lala eegtay safaadaradaha Maraykanka ee ku yaalay dalalka Kenya iyo Tanzania 1998.
Markii Ururka Al-shabaab ay sheegteen qaraxii ka dhacay dalka Uganda gaar ahaan caasimada Kampala July 2010 ayaa Morten Strom waxaa uu sheegay in Ikrima uu ka cudurdaartay in uu mar 3aad ay ku kulmaan magaalada Nairobi balse waxaa socday xiriirka Morten Strom iyo Ikrima iyaga oo ku wada xiriiri jiray Emailka.
Bilowgii 2010-kii Morten Storm waxaa uu ku xiray Ikrima Sheekh Anwar al Awlaki allaha u naxariistee oo ay diyaaradaha Maraykanku ku dileen dalka Yemen waxaana dilkiisa ka danbeeyey Morten Strom oo markaas iska dhigayey Muslin Jihaad u tagay dalka Yemen.
Wariyaha Tv CNN-ka ayaa weydiiyey Morten strom wax Ikrima uu ugu xiray Al-Qacida Yemen waxaa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in dhalinyarad tababar lagu siiyo Yemen ka dibna loo diro dalka Soomaaliya iyo dalalka reer Galbeedka si ay weeraro uga fuliyaan.
Morten Strom ayaa sidoo kale xusay in Ikrima oo u qaabilsanaa ururka Al-shabaab garabka amniyaadka dhalinyarad ka imaanaysa dibada dalka Soomaaliya ee ku biiraya dagaal yahanada Al-shabaab, Waxaa kale oo uu sheegay in Ikrima uu xiriir fiican la lahaa koox ka jirta dalka Kenya laguna sheegay magaceeda Al-Hijra.
Ikrima ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo si wacan u yaqaan dhowr luqadood Norwegian, Swahili, Arabic, Somali, iyo English waana tan u sahashay in uu noqodo isku xiraha Al-Shabaab iyo Al-Qacida wuxuuna ka noqday gudaha Al-Shabaab qof muhiim ah.
Waxaa jira Saraakiil badan oo Muhiim ah kana tirsanaa ururka Al-Qacida oo lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya waxaana laga xusi karaa:-
1. Saleh Al Nabhan
2. FasuulAl-Qamari
3. Bilaal Barjaawi
4. Abu Uxud Al-Misri
5. Abu Ibraahim Al-Tunisi
6. Abu Dhalxa Al-Sudani
7. Sheekh Aden Ceyrow
8. Ibraahim Cali Cabdi kuna magac dheera Adeer Cali iyo kuwo kale.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale Khaarajiyey raga Muhiim ahaa oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo iskugu jiray Soomaali iyo Muhaajiriin waxaana laga xusi karaa
1. Ibraahim Afgani
2. Macalin Burhaan
3. Abu Mansuur Al-Amriki
4. Osama Al Britaini waxaana xabsi loo taxaabay rag badan
Morten Strom ayaa sidoo kale sheegay in 2012 ay is khilaafeen isaga iyo sirdoonka PET iyo CIA wuxuuna ka qoomameeyey in hadii uu sii wadi lahaa shaqada uusan dhaceen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate oo uu soo abaabulay Ikrima sida ay ku andacoonayaan Sirdoonka Kenya iyo Mareykanka. Halkaan ka Akhriso Waraysiga CNN-ka uu la yeeshay Morten Strom
Halkan Ka Akhriso Morten Strom oo qeyb ka ahaa dilkii Sheekh Anwal Al-Awlaqi
Hoos ka Daawo Waresiga uu CNN-ka siiyey Morten Storm
C/Casiis Maxamed
Halgan.net