Warbaahinta dalka Denmark oo baahisay Nin Qeyb ku lahaa dilkii Sh Anwar al-Awlaki (Daawo)
October 8, 2012 - Written by
Denmark:-Warbaahinta dalka Denmark tan maqal iyo muuqaalka ah iyo wargeysyada dhowr ah oo ugu afka dheer dalka Denmark ayaa aad u faafiyey nin qayb ka ahaa dikii Anwar al-Awlaki oo ahaa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka weynaha Al-Qacidda ee dalka Yemen oo ay dalka Yemen ku dishay diyaaradaha wax basaasa bishii oktoobar ee sannadkii hore 2011.
Morten Storm oo Muslimiinta dalka Denmark u yaqaaneen Muraad ayaa ahaa nin la shaqeeyey ciidanka nabadsugida dalka Denmark ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PET .Morten Storm ayaa u sheegay wargayska Jyllands-Posten xidhiidha iskaashi oo dhexmaray PET iyo CIA, kaasoo Diyaaradaha dalka Mareykanka ku khaarajiyeen hoggaamiyaha Alqaacida ee Anwar al-Awlaki waxaana qeyb weyn ka qaatay Morten Storm(Muraad).
Ciidanka nabadsugidda ee dalka Denmark ayaa axaddii soo saaray farriin ay ku sheegayaan,in aysan rabin in ay faahfaahin ka bixiyaan khaarajinta hogaamiyihii Al-Qacida ee dalka Yemen Anwar al-Awlaki .Wargayska Jyllands-Posten ayaa faafiyey wareysi iyo codad dhexmaray PET CIA iyo Morten Storm (Muraad) waxaana ka qaatay inta badan saxaafada dalka Denmark.
Morten Storm (Muraad) oo ahaa jaajuus u shaqeeya ciidanka nabadsugida ee dalka Denmark iyo CIA ayaa shegay in soo galay diinta Islaamka 1997 waxaa kale oo warbaahinta ay sheegtay in qeyb weyn ku lahaa soo gudbinta iyo la socoshada halisaha argagixiseed ee ku lidka ah Danmark iyo danaha deenishka ee dalka debeddiisa, iyo weliba xidhiidhka Sh Anwar al-Awlaki iyo shakhsiyaadka , kooxaha iyo ururrada Danmark ee xidhiidhka la leh argagixisada Al-Qacida sida uu qorey Wargayska Jyllands-Posten .
Warbaahinta ayaa sii deysay sidoo kale wadahadal ku dhexmaray Morten Storm (Muraad) iyo qof ka tirsan CIA oo la yiraahdo ‘Michael’, Hotelka Marienlyst oo ku yaal magaalada Helsingør waxaana dooda ka muuqday sida uu qeyb weyn ugu lahaa Morten Storm (Muraad) dabagalka Sh Anwar al-Awlaki
Halkan ka Akhriso Qoraalada iyo wareysiga Wargayska Jyllands-Posten ka qaaday Morten Storm (Muraad)
Wadahadal ku dhexmaray Morten Storm (Muraad) iyo qof ka tirsan CIA oo la yiraahdo ‘Michael’, Hotelka Marienlyst oo ku yaal magaalada Helsingør hoos ka Dhageyso
Dadka Muslinka ah ee ku dhaqan dalka Denmark ayaa waxaa la fajeceen Morten Storm (Muraad) oo sanado badan Muslin iska dhigi jiray waxaana uu guursaday gabdho badan oo Muslin ah oo maanta ka sheegay Tv dalka Denmar in uu ka mid ahaa raga la shaqeeya ciidanka Nabadsugida (PET) ee dalka Denmark waligiisana uusan Noqon Muslin!
Hoos ka Daawo Wareysiga uu Siiyey Morten Storm (Muraad) Wargayska Jyllands-Posten wuxuuna ka hadlayaa in uu ahaa 6 sano jaajuus u shaqeeya PET
Wargeyska ekstrabladet. ayaa sidoo kale faafiyey Morten Storm (Muraad Al-Denmarki ) oo ku jira dagaal ay food is dareen ciidamada dalka Yemen iyo Ururka Ansaaru Shareeca oo ka tirsan Urur Weynaha Al-Qacida Hoos ka Daawo
Saxaafada dalka Denmark ayaa sidoo kale sii deysay Muuqaalo muujinaya Morten Storm (Muraad Al-Denmarki ) oo ka qeyb qaadanaya Banaanbax ay dhigayaan Muslimiin ku sugan dalka Ingiriiska Hoos ka Daawo
Ma aha markii Ugu Horeysay ee la arko qof mudo badan sheeganayey Muslin oo hadana noqday Agenti la shaqeeya ciidamada nabadsugida ee wadamada Yurub iyo caalamka waxaase la yaab leh sida qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya iyo dalka Dibadiisa aysan ula socon qaabka Sirdoonka caalamka ay u shaqeystaan .
Dalka Soomaaliya waxaa soo galay oo ka buuxa kuwa badan oo la mid ah Morten Storm (Muraad) kuwaas oo dhalinta Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed aysan aqoon wax ay yihiin, waxaa haboon in dadka soomaaliyeed ay is wiidiiyaan cida laynyasa waxgaradkooda ay ugu horeeyaan culimadooda uuna ugu danbeeyey Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan raximuhulaahu iyo Saraakiil badan oo ka mid ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya iyo waxgarad kale oo fara badan.
Halgan.net
jyllands-posten.dk

.gif)

