Abbooyoow odaygii ٍٍٍShiinaha dhalay awliyo miyuu ahaa?W/Q Sh Axmed C / samed

January 23, 2014 - Written by Editor
Maqaal-300x158Soomaalida dhexdeeda markii muddo la joogaba waxbaa suuq iyo xiiso yeesha. Waxaynu joognay marxalad jabhado hubaysani suuq leeyihiin oo mid walba magaca Soomaali xambaarsantahay ama la oran karo waa marxaladii SS-ta, qabiilkii aan SS lahayna uu la mid yahay mid aan jirin.
Waxaa kale oo jirtey marxalad qabqable hubaysan oo an qabiil ka amarqaadan suuq leeyahay, in kastoo uu magaca reerka ku qaraabto, marxaladdaasna qabiilkii aan qabqable haysan wax qaybsiga wuu ka harayey.
Marxalad kale waxaa suuq fiican yeeshay dowlad goboleedyo xambaarsan magaca Land ama State iwm, waana marxaladda aynu hadda joogno oo wali rag badan ama qabiilooyin kala duwan ay LAND samaysi ka fakarayaan.
Laakiin waxaa jirtay marxalad hore oo qabiil walba ay dheheen awowgii aan kasoo farcanay wali buu ahaa oo Sheekh hebel ama xaaji hebel baa la dhihi jirey, inuu wali ahaana waxaa daliil u ah farabadnida dadka ka farcamay!.
Xilligaas Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo akhriyaya Saxiix Al-bukhaari gaar ahaan Kitaab Al-towxiid ayaa ka hadlay awliyanimadaan qabiilooyinku ku daateen iyo waxyaabaha ay u daliishanayaan awliyanimada awowgood, wuxuuna xusay daliisha farac badnida, ka dibna wuxuu yiri: haddii ninkii dad badani ka farcamayba uu wali noqonayo Abbooyoow kii Shiinaha dhalayna muxuu noqonayaa!.W/Q Sheekh Axmed Cabdi Samed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online