Abu Maxamed Al-Cadnaani oo hanjabaad u diray kooxaha Suuriya (Dhageyso)

January 7, 2014 - Written by Editor
Abu MaxamedCiraaq:-Waxaa goordhow lagu faafiyey  cod u leeyahay Afhayeenka dowlada Ciraaq iyo Shaam Abu Maxamed Al-Cadnaani waxaana uu ka hadlay xaalada dagaalada ka socda dalka Ciraaq iyo Suuriya waxaana cinwaankeeda uu ahaa “والرائد لا يكذب أهله”
Abu Maxamed Al Cadnaani ayaa aad uga hadlay kuna dheeraaday shirqoolka dowlada Nuur Al-Maaliki ee shiicada ah iyo dhibaatooyinka ay ku hayso Ahlu Sunaha Ciraaq  isaga oo ugu baaqay   in garab la siiyo kooxdiisa ee Dowlada Ciraaq Islaamiya iyo Shaam.Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa weeraray kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya wuxuuna ku eedeeyey in ay cadow u yihiin  ciidanka alle oo uu ula jeedo kooxdiisa waxaase yaab leh in uusan ka hadlin xasuuqa ay kooxdiisa u geystay kooxaha Islaamiyiinta xitaa kuwii taageersanaa Al-Qaacida gaar ahaan Jabhad NusraAbu Maxamed Al Cadnaani ayaa ku tilmaamay kooxaha kacdoonka kuwa saxawaat ah oo gaalo u shaqeeya lana mid ah kuwii ka soo baxay dalka Ciraaq!Abu Maxamed Cadnaani Afhayeenka dowlada Ciraaq iyo Shaam ayaa waxaa uu ka mid yahay raga takfiirka ah waxaana uu horey u gaaleysiiyey Ururka Al-Xamaas ee dalka Falastiin isaga oo ku sheegay in ay ka daran yihiin Cilmaaniyiinta .Abu Maxamed ayaa hanjabaad u diray kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya  wuxuuna sheegay in ay eedi doonaan kooxaha qabsaday xarumihii dowlada Ciraaq iyo Shaam (Daacish)

Dhinaca kale waxaana ila maanta cod uu leeyahay Amiirka Jabahada Al-Nusra lagu faafiyey isaga oo  ka hadlay dagaalada ka socda gudaha dalka suuriya

Hoos Ka Dhageyso Afhayeenka dowlada Ciraaq iyo Shaam Abu Maxamed Al-Cadnaani

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online