Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowlada Puntland oo la magacaabay

January 14, 2014 - Written by Editor

GaasGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland  Dr Deeq Suleymaan Yusuf.

Warsaxaafadeed ka soo baxay galabta Madaxtooyda Puntland ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowlada Puntland Hoos ka eeg warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland u Magacaabay Dr Deeq Suleymaan Yusuf.

Ku Saabsan Deeq

deeqAgaasimaha Cusub ee Madaxtooyada ayaa ah Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.

Deeq wuxuu sannadihii ugu Dambeeyay u ku sugna Dalka isagoo Go’ansaday in Dadkiisa iyo Dalkiisa uu wax u qabto.

Madaxtooyada Puntland
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online