Arday badan oo ka qalinjabiyey Machadka Al-dacwa ee magaalada Hargeysa (Masawiro)

January 5, 2014 - Written by Editor

2Hargaysa : xaflad baaladhan oo lagu sagootiyayo 141 arday oo ka qalin jabiyey machadaka AL-dacwa ayaa lagu qabtay Hotel Safari ee magaalada Hargeysa ee xarunta S/land Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socda xukuumada Somaliland, culimo , masuuliyiin ka socda Jaamcadaha Badar iyo Hargaysa, waalidiin arday iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa xaflada hadal soo dhaweyn iyo mahad naq ah ka jeediyey isku duwaha wasaarada diinta iyo owqaafta ee gobolka maroodi jeex kana mid ah aasaasayaashii machadka Sheikh Maxamed Ibraahim Jaamac. Waxa sidoo kale ka hadlay Sheikh Yuusuf aadam Muxamed oo kawaramay ahmiyada uu u leeyahay cilmigu bulshada , sheekha oo ay ka muuqatay xamaasad iyo farxadi ayaa ku dheeraday fadliga cilmigu uu leyahay aduun iyo aakhiraba.

Waxa isna madasha ka hadlay Sheikh ibraahim Axmed Xirsi oo ah maamulka guud ee Machadka Al-dacwa ee barashada cilmiga diinta iyo luuqada carabiga . Sheikh ibraahim ayaa war bixin kooban ka bixiyey machadka isga oo tilmaamay in la,aasaasay machadka sanadii 1423 hijriga oo ku beegnayd 2003 isga soo maray maraaxil kala duwan Waxa uu maamulku intaa ku daray in mac,hadku ka koo banyahay 4 farac (qaybood ) ardayda dhigataana ay dhanyihiin 850 arday taqriiban oo isgu jira gabdho iyo wiilal. Sheikh Aabi Cali Maxamed oo ah madaxa jaamacada badar al-caalamiya ayaa isna tilaamay xidhiidhka ka dhexeya jaamacada iyo machadka isaga oo ardayda dhamaystay machadka ku dhiri galiyey in ay sii wadaan aqoonta oo anay halkaa kaga hadhin.

no images were found

Dhinka kale hormuudka koliyada daraasaadka islaamka iyo luuqada carabiga ee jaamacada hargaysa Sheikh Cumar Bade Aadam ayaa ku amaanay ardayda machadka ka qalinjabisa ee ku soo biirta kuliyada daraasdaadka islaamka aqoon iyo akhlaaq wanaag ,Waxa uu intaa ku daray in machadaka iyo koliyada uu ka dhexeyso wada shaqayn qoto dheer taasoo keentay in ardayga dhamaysta machadka loo tix galinayo in uu jaamacda la fadhiisto ardayda sanadka labaad , waxanu sheegay in ay sanadkan oo kaliya ay jaamacada Hargeysa gaar ahaan koliyada daraasaadka islaamka iyo luuqada carabiga ay ku soo biireen arday dhan 70 oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Sidoo kale waxa barnaamujyo qiimo leh ka soo jeediyey madashii xaflada qaar ka mid ah ardaydii qalin jabinaysay , iyaga oo machadka gudoon siiyey qalab aad u qiimo badan oo ay ka mid yihiin : Copy , print, computer,porjekter, iyo shahaadooyin iyo hadyado kala duwan oo ay ugu deeqeen Macalimiinta iyo Maamulka machadka.

Guntii iyo gabagabadii waxa soo xidhay xaflada wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheikh khaliil C/laahi Axmed , wasiirka ayaa u mahad celiyey allaah suxaanahu watacaalaa , sidoo kale waxa uu mahda balaadhan u jeediyey Macalimiinta ardayda iyo guud ahaan ka soo qayb galayaasha xafladan lagu sharfayo ardayda dhamaysatay machadka , waxanu kula dardaarmay dhalin yarada qalin jabisay in ay sii wadaan aqoonta iyo cilmiga isla markaana ay ku camal falaan sidoo kalena gaadhsiiyaan dacwada iyo naxariista islaamka .

Ardaydan machadka al-dacwa ka qalin jabisay ayaa waxay kala yihiin 107 hablood iyo 34 wiil Waan dafcadii 8 aad oo ka qalin jabisa machadka tan waqtigii la furay.

Musasat Al-Karam
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online