Ardayda Kuliyada Maamulka Iyo Maaraynta Buuhoodle oo Qado sharaf sameeyey.[Masawiro]
January 13, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Ardayda Kuliyada Maamulka Iyo Maaraynta {BBA} ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle ayaa qado sharaf waxaa ay u sameeyeen Maamulka Iyo Macalimiinta Kuliyadooda ka dib markii uu soo gabagaboobay Imtixaankii Semester-ka koowaad.
Xaflada qado sharafta ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Gobsoor ee Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn Waxaana Intaasi ka dib kulan gaar ah uu dhex maray Ardayda iyo Macalimiinta kuliyada Maamulka Iyo Maaraynta waxaana kulankaas ka soo qayb galay.
1. Prof Cabdishaafi Axmed Cali, Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Qaybteeda Magaalada Buuhoodle.
2. Prof.Cadnaan Axmed Maxamed. Hormuudka kuliyadda maamulka iyo maaraynta (BBA).
3. Prof.Cabdisalaan Xasan Cabdi Boodhle, bare ka tirsan kuliyadda (BBA).
4. Eng/ yaasiin Xuseen Maxamuud, hormuudka kuliyadda computer Science .
Gudiga ardayda kuliyadda maamulka (BBA) oo kala ah :-
1- Axmed Faarax Nuure
2- Mustafe Cabdifataax Maxamed
3- Huruuse Maxamuud Barre
4- Amed Boos Ibraahin
5- Cabdiqaadir Cabdi Maxamed
6- Zakariye Cabdicasiis Ismaaciil garaad soofe.
7- Khaalid Sh.mubaarik Sh.Xuseen sugulle.
Gudiga ayaa uguhorayn soo gudbiyey qoraal ay ugu mahadcelinayaan macalimiinta iyo maamulka jaamacadda wuxuuna u qornaa sidan:-
STUDENTS FACULT OF B.B.A
Uj: Waxqabad iyo mahadnaq
Maanta oo ay taariikdhu tahay 13/01/2014 waxaa noo soo gabagaboobay imtixaankii semestarkii koowaad. Hadaanu nahay ardayda jaamacad bariga gaar ahaan facultiga BBA & Economic. Waxaanu halkan mahad balaadhan oo aan la soo koobi karayn u soo jeedinynaa gudoonka jaamacada iyo macaliimtayada sida fiican ee tayada leh ee wax noo baray.
no images were found
Macalimiin taas oo hadh iyo habeenba u tagnaa siddii ay heerkayga waxbarasho kor ugu qaadi lahaayeen iyaga oo ku dadaalay sidii ay noo fahansiin laheeyeen casharada kuna guulaystay arintaas. Macalimiintaas oo aan marnaba ka bixi doonin xusuustayada .Sidaas daraadeed hadaanu nahay ardayda jaamaca bariga Africa qaybteeda b.b.a waxaan halkan ku balan qaadaynaa in aanu cilmigii ay nabareen macalimiintayadu gaadhsiin doono bulshada ku nool gobolka Cayn.
Wax qabadka aan doonayno in aanu qabano waxaa ka mid ah:
1.Inaanu wacyigelin ku samayn doono qaybaha kala duwan ee bulshada.
2. Inaanu ardayda dugsiyada u qabano tartano si,aanu aqoontooda kor ugu qaadno.
3. Inaanu samayno ururo u, adeega hor marinta waxbarshada gobolka.
4. Inaanu samayno cilmi baadhisyo ku saabsan xaaladaha kala duwan ee ka jira deegaan sidii aanu horeba usoo saarnay labadii buug ee ka hadlayey.
5. Ardayda ka tagaysa waxbarshada iyo sidii arintaas xal loogu helilahaa.
6. Buugii ka hadlay biyaha deegaan.
Waxaanu kale oo hadda gacanta ku haynaa labo buug oo ka hadlaya:-
1. Faaii,dada dhirtu inoo leedahay iyo sidii looga hortigalahaa xaalufinta dhirta.
2. Buug ka hadlaya nolosha Iyo bugaag kale
Waxaanu marlabaad u mahad naqaynaa macalimiintayada iyo gudoomiyaha jaamacadda Allaa mahad leh.
Intaasi ka dib ayaa waxaa hadalka qaatay Prof.Cabdi salaan Xasan Boodhle oo dardaaran aad u balaadhan usoo jeediyey ardayda. Ugu danbayntii waxaa munaasabadda soo afmeeray gudoomiyaha jaamacadda buuhoodle Prof. Cabdishaafi Axmed Cali oo umahadceliyey ardayda soo diyaarisay munaasabadan sharafta leh iyo macalimiinta aqoonta jeclaysiiyey ardaydan soona dhiirigeliyey.
Sikastaba ha ahaatee imtixaanka ayaa saaka si habsami leh ugu soo gabagaboobey ardaydan, munaasabaddan farxadda ahna waxay ugu dhacday hab ka quruxbadan sidii ardaydu ugu talo gashay.Jaamacadda bariga afrika ayaa ah xarun aqooneed oo aad looga qadariyo giyiga soomaaliya oo dhan.
Halgan.net
Buuhoodle