Baarlamaanka DFS oo kalsoonida siiyey Xukuumadda R/wasaare C/weli Sh.Axmed
January 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codka kalsoonida siiyey xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh.Axmed Maxamed waxaana codka kalsoonida siiyey ilaa 186 Xildhibaan halka 46 Xildhibaan ay codka u diideen iyo hal Xildhibaana oo ka aamusay.
Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo xaadiray xarunta golaha wakiilada ee DFS ayaa gaarayey ilaa 233 Xildhibaan, Xilidhibaanada ayaa intii aysan u qaadin codka kalsoonida waxaa ay ka doodeen barmaamijka ay ku shaqayn doonto xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh.Axmed Maxamed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh.Axmed Maxamed ay heshay kalsoonida baarlamaanka.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
A/cawaale
Halgan.net