Baarlamaanka oo diiday mooshin laga keenay Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid.
January 14, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kulan ay maanta isagu yimaadeen Golaha wakiilada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta looga dooday mooshin ka dhan ah in ay dib u soo laabtaan golihii xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid. Xarunta Golaha baarlamaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ku sugnaa Xildhibaano gaaraya ilaa 218 waxaan maanta ajanadaha uu ahaa in laga doodo mooshin laga keenay wasiiro horey uga tirsanaa xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid.
Golaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa dood dhexmartay Xildhibaanada ka dib waxaa uu dalbaday in cod looqaado mooshinka laga keenay golihii wasiiradii hore ee xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid in laga saaro ajandaha iyo in
lagu daro ajandaha laga doodayo oo ahaa in wasiiraddii hore aysan ka mid noqon karin xukuumada uu soo dhisayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo in kale.
Cod gacan taag ah ka dib ayaa waxaa Xildhibaano gaaraya ilaa 113 waxaa ay u codeeyeen in mooshinkaan laga saaro ajandaha halka ilaa 99 Xildhibaan ay ku adkeysteen in mooshinka uu sidiisa ahaado lana meel mariyo.
Golaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in natiijadii ay noqotay in mooshinka laga saaro ajandaha baarlamaanka oo micnaheedu ay tahay in Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS Dr. Cabdiweli uu xukuumadiisa cusub ku soo dari karo golihii wasiiradii hore ee xukuumaddii Ra’iisul wasaare Saacid ee horay kalsoonida ay kala laabteen Baarlamaanka.
A/cawaale
Halgan.net