Bahda Saxaafadda oo dhawaan looga yeeray xarunta madaxtooyada ee Puntland
January 28, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa dhawaan looga yeeray bahda saxaafada qaybaheed kale duwan xarunta madaxtooyada ee Puntland iyadoo la filayo in Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqo Golahiisa wasiiradda.
Warar hordhac oo aan weli la hubin oo ay heshay mareegta Halgan.net ayaa sheegay in laga yaabo in afar ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay xilka madaxweynanimada Puntland oo kala ah, Dr Cali Xaaji warsame, Dr Saadiq Eenow, Dr.Shire Xaaji Warsame , Wasiirkii hore ee duulista maraba noqday madaxweynaha Kaatumo State Axmed Karaasha ay ka mid noqon doonaa golaha wasiiradda ee cusub.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net