Bannaanbax lagu taageerayo doorashadii Puntland oo ka dhacay Dhuusamareeb
January 10, 2014 - Written by EditorDhuusamareeb:-Bannaanbax lagu taageerayo doorashadii ka dhacday Puntland laguna doortay madaxweynaha Puntland Dr C/wel Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeen kiisa C/xakiin Camey ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Isku soo baxaan ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo abaabulay bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamarreeb waxaan ka soo qayb galay banaanbaxaan Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada Dhuusamarreeb .
Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali (Geedaqorow) oo ka hadlay isku soo baxaan ayaa waxaa uu sheegay in ay u hambalyey nayaan shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland iyo weliba madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Camey isagoo ugu baaqay in uu isku soo dhaweeyo xiriirka ka dhexeeya Puntland , Dowladda Federaalka iyo maamulada ka jira dalka.
Dhinac kale Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo isagana la hadal saxaafada ayaa ugu Hambalyeeyey madaxda Puntland qaabka wanaagsan ee loo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Camey isagoo arrinkaas ku tilmaamay guul loo baahan yahay in looga daydo.
Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa u muujiyey taageero weyn madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas iyagoo ugu baaqay in uu qayb ka qaato horumarka Gobolka Gal-gaduud oo ah meeshii uu ku soo barbaaray
A/cawaale
Halgan.net