Cabdinaasir Boqor Maxamuud oo la hadlay saxaafada.[Dhagayso]
January 1, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta la hadlay saxaafadda wiil uu dhalay allaha u naxariistee Boqor Maxamuud laguna magacaabo Cabdinaasir Boqor Maxamuud Boqor Muuse, Cabdinaasir Boqor Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Axmed Boqor Cabdullaahi King Kong oo ay yhiin ilo adeer uu ku qortay magaciisa liis uu ku sheegay in ay ku taageersan yihiin xilka Boqornimada ah ee uu sheegtay.
Cabdinaasir Boqor Maxamuud Boqor Muuse ayaa sheegey in xilka Boqortooyada markii uu dhintay Aabihiis Boqor Maxamuud uu xilka la wareegay adeerkiisa Boqor Cabdullahi Boqor Muuse isagana uu xilkaas qaban , ka dib markii uu Adeerkiis dhintayna uu xilka si ku meel gaar ah uu sii hayey Adeerkiis Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Cabdinaasir Boqor Maxamuud Boqor Muuse ayaa cadeeyey in Qoska reer Yusuf Cismaan reer Boqor ay si wada jir ah iskugu raaceen in Adeer Boqor Burhaan Boqor Muuse xilka Boqortooyada lagu og yahay dhamaan beesha Cismaan Maxamuudna ay isku raaceen.
Cabdinaasir Boqor Maxamuud Boqor Muuse ayaa ku waaniyey walaalkiis Axmed Boqor Cabdullaahi (Kingkong), uu falka uu ku jiro uu ka waantoobo meel uga banaana aysan jirin sheegashada uu sheeganayo xilka Boqorka uuna ku qanco go,aanka reer Yusuf Cismaan reer Boqor iyo beelweynta Cismaan Maxamuud.
M_M_Deeq
Halgan.net