Caleemo saarkii madaxda cusub ee Puntland oo la soo gabagabeeyey iyo khudbadihii laga jeediyey (Daawo)

January 24, 2014 - Written by Editor

madaxda_PuntlandGaroowe:-Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Munaasabad balaaran oo lagu Caleemo saarayo madaxda cusub ee Puntland waxaana xaflada ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan beesha Caalamka iyo Maamulada ka jira gudaha Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dheer ka jeediyey xaflada caawa waxaana uu khudbadiisa kaga hadlay arimo kala duwan waxaana ka mid ah in shirweyne dib heshiisiin uu dhigi doono si loo turxaan bixiyo arimaha Reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa munaasabadda soo xiray, wuxuuna u mahad celiyey dhammaan martida ka soo qeyb gashay munaasabadda, isagoona khubadiisa uga hadlay Midnimada Puntland, Cadaaladda, Ammaanka, Dhaqaalaha,Arimaha bulshada iyo xiriirka DFS iyo Puntland .

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in xiriirka DFS iyo Puntland uu hagaago wuxuuna sheegay in nidaamka Federaalka ay Soomaali ku heshiisay .

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Madaxweynihiii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan Faroole wuxuuna uga mahad celiyey sida wanaagsan oo uu xilka ugu wareejiyey .

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.

Hoos ka Daawo Madaxweyna Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdillahi Cali Maxamed

Hoos Ka Daawo Khudbadii Madaxwenaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

Hoos Ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha KMG ee Juba Axmed Maxamed Islaam

Hoos Ka Daawo Khudbadii Wasiirka Qorsheynta ee DFS Saciid Cabdilaahi Maxamed

Hoos Ka Daawo Khudbadii ISIMADA PUNTLAND Islaan Ciise iyo Boqor Burhaan

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online