Ciidamo ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay degmada Wanlaweyn
January 29, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka socda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, dagaalka oo ah mid xooggan ayaa waxaa uu qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Milateriga soomaaliya ay yimaadeen magaalada ka dibna uu dagaalka dhex maray ciidamo hore u joogay magaalada.
Dagaalka ayaa waxaa uu daba socdaa ka dib markii maalintii shalay ciidamo ka wada tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya iska horimaad kooban uu ku dhexmaray degmada Walaweyn waloq dagaalka saaka uu yahay mid ka culus kii shalay.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada ka wada tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa iaa hadda ku dhintay 7 askari waxaan ku dhaawacmay ilaa 15 askari, Dagaalka saaka ayaa waxaa uu ahaa mid hubka Tiknikadu ay ka qayb qaadanayeen sidda saxaafadda uu u sheegay qof goob joog ah.
Ma ah markii ugu horaysay oo ciidamada ka wada tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya uu dagaal ku dhexmaro degaano ay ku sugan yihiin iyagoo inta badan ku dagaalama lacag iyo jidgooyoon ay u dhigaan dadka shacabka ah si ay lacago baad ah uga qaataan.
A/cawaale
Halgan.net