Ciidanka Booliska Boosaaso oo howl gal ku qabtay ilaa 53 dhalinyaro ah
January 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa howl galo lagu sugayo amaanka waxaa ay ka sameeyeen xaafadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaan howl galkaas lagu soo qabtay ilaa 53 dhalinyaro ah oo qaarkood faraha kula jiray arrimo lid ku ah nabadgelayada magaalada Boosaaso.
Ciidanka Booliska ee Boosaaso ayaa maalmihii danbe waxaa ay wadeen howl galo lagu bartilmaamsanayo dhalin yaro ku howlaan falal amni daro ah xiliyada habeenkii ah. Dhalinyarad lagu qabtay howl galka ayaa waxaa lagu xiray Saldhiga dhexe ee Boosaaso waxaan qaarkood ay Saraakiisha ciidanka Booliska ay wiidiinayaan su’aalo la xiriira falalka amni xumada ah ee lagu eedeeyey in ay gacanta kula jireen.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cismaan Xassan Cowke Afdalow oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in ciidanka Booliska Boosaaso ay howl gal ku qabteen ilaa 53 dhalin yaro ah oo ku eedeysan arrimo lid ku ah amniga.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cismaan Xassan Cowke Afdalow ayaa xusay in dhalin yaradaan ay baareen ka dibna ilaa 30 ka mid ah wax danbi ah lagu waayey lana siidaayey halka qaar kale weli baaritaan lagu hayo.
Howl galka ka socday maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ayaa la xiriira ka dib markii ciidanka Puntland ay ka war heleen in dhalinyaro ka tirsan ururka Al-shabaab ay dib isku aruursi uga bilaabeen qaybo ka mid ah Buuraha Golis oo saaka ay ciidanka daraawiishta Puntland ay weerar ku qaateen.
M_M_Deeq
Halgan.net