Ciidanka Itoobiya oo maanta si rasmi ah ugu biiray ciidanka AMISOM

January 22, 2014 - Written by Editor

itoobiyaan31-300x198Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dalka Itoobiya ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaana lagu qabtay maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo xaflad ay ka soo qeyb galeen saraakiil sare oo ka socda Midowga Afrika.

Xafladan ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey Saraakiil sare oo ka socda wadamada , Burundi, Itoobiya iyo Uganda waxaana maanta magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo tiro badan oo ka tirsan Itoobiya oo ku labisan dareeska iyo astaanta lagu yaqaanno ciidanka AMISOM.

Barta ay Twitter ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqon doonaan qabashada deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobalada Shabeelaaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamo gaaraya saddex guuto oo ka tirsan dalka Itoobiya ay howlgalo ka fulin doonaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo iyaga oo ka tirsan ciidanka AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online