Culimo’udiin safar dacwadeed ku gaaray Ceerigaabo[masawiro]

January 28, 2014 - Written by Editor

DSCF2453Ceerigaabo:-Magaalada  ceerigaabo ee  xarunta  gobolka  Sanaag  ayaa  maalmihii  u  danbeyey  waxa  safar  dacwadeed  ku  joogay  qaar ka mid  ah culimada  ugu  waaweyn Soomaaliya. Culimada  ayaa dad weynaha  ku  dhaqan  magaalada  Ceerigaabo  kala hadlayey mawaadiic kala  duwan iyaga oo  kala hadlayey  dad waynaha  goobo kala duwan oo  ay ka mid yihiin Masaajida ,Maraakizta , iyo  fagaarayaasha  waaweyn.

Maanta oo  ah maalin Salaasa ah ayaa waxa  ka  dhacay  fagaaraha beerta  xoriyada ee  magaalada Ceerigaabo  nadwo  balaadhan  oo  ay  ka  soo  qayb galeen kumanaan  qof oo  iskugu jira rag  iyo  dumarba iyo weliba madaxda gobolka iyo  degmada  oo uu ugu horeeyo maayirka degmada  ceerigaabo.

no images were found

Nadwdaan  ayaa  waxa  ka hadlay culimo  ay  ka  mid yihiin :-

1.Sh Maxamed  Cumar  Dirir

2. Sh Maxamed Aadam  Muxumed

3. Sh Cawil  Faatax  Shire

4. Sh Axmed Muxamed  Sulaymaan

Culimada  ayaa dadweynaha  kala hadlay  mawaadiic  kala  duwan  sida:-

1.Qabyaalad

2 Balwada

3.Tahriibka

4.Iskaashiga

5. Amniga

6.Cadaalada

Mayirka magaalada Ceerigaabo oo isagan goobta ka hadlay ayaa waxaa uu dhankiisa  tilmaamay inay ku  farxasanyihiin imaatinka  culimada.Nadwda ayaa  markay dhamaatay waxa culimada qado sharaf u  sameeyey duqa  degmada Ismaaciil  xaaji Nuur Faarax oo ay weheliyaan  xubno  ka tirsan  xildhibaano  iyo  madax kala duwan. Munaasabada qada sharafta ayaa ka dhacday xarunta guriga martida ee  degmada  ceerigaabo ee Gobolka Sanaag

Safar Dacwadeedkaan oo baryahanba culimadu ku marayeen gobolo kale duwan ayaa waxa  soo  agaasimay Mu,asasada  al-karam  ee  dacwada  iyo  horumarka.

Mu,asasada  al-karam 
ee  dacwada  iyo  horumarka.

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online