Daacish oo diiday dhamaan Talooyiinkii culumada Taageersanaa Al-Qaacida (Akhriso)

January 28, 2014 - Written by Editor

DiintaXili ay wili sii socda dagaalada ka dhex socda kooxaha Dagaalka ka wada dalka Suuriya ayaa waxaa si is daba joog ah baaqyo iyo talooyin kala duwan u jeediyey kooxaha ku dagaalamaya waqooyiga Suuriya culumadii taageersanaa Al-Qacida waxaana ugu danbeeyey bayaan uu Mareegtiisa ku faafiyey أبو بصير الطرطوسي.waxaa kale oo baaq u soo jeediyey dhamaan kooxaha Suuriya Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini waxaana baaqiisa aqbalay dhamaan kooxaha Islaamiyiinta marka laga reebo kooxada la baxday dowlada Ciraaq iyo Shaam ee Daacish .

Hoos ka Dhageyso Baaqii Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini uu u jeediyey kooxaha dalka Suuriya

Kooxada Daacish ayaa Bayaan ay leedahay waxaa lagu faafiyey Twitterka Mu;assasada Al-Ictisaam waxaana ay sheegeen in dagaalka ka socda Suuriya uusan ahayn Fitno waxayna sheegeen in ay dagaal kula jiraan kooxo Cilmaaniyiin ah iyo Burcad ay hogaamiyaan Sirdoonka Reer Galbeedka. Halkan Ka Akhriso Bayaankii kooxda Daacish

Kooxda Daacish ayaa waxaa ka mid ah Shuruudaha ay soo jeediyeen in la cadeeyo mowqifka manaahijta ka horimaaneysa in dhulka Shaam lagu dhaqo Shareecda islaamka iyo xukuna dowladaha Mandiqada sida Sacuudiga,Qadar,Urdun,iyo Turkiya. taas oo ah wax lala yaabo kooxda Daacish waxay laayeen Jabahada Nusra ,Suquuru Shaaam,Axraaru Shaam oo kuligood ah kooxo Islaamiyiin ah oo Salafi ah !waxa culumada ka qeylinayso maaha cilmaaniyiin iyo kooxo kale ee waa dagaalka ay sababta u noqdeen kooxda Daacish iyo dilka iyo Gaaleysiinta ay Suuriya ka wadaan.

Khilaafka ka dhex socda kooxaha dagaalka ka wada dalka Suuriya ayaa waxaa sidoo kale talooyin kala duwan u soo jeediyey Dr.Ayman Al-Dawaahiri , Abu Maxamed Al-Maqdasi iyo Abu Qataada Al Falastiini iyo culumo kale oo tiro badan balse dhag jalaq looma siin waxaana qormadan tii ka horeysay ku soo bandhigay talooyinkii Dr Ayman Al-Dawaahiri iyo Jawaabihii laga bixiyey Halkan ka Akhriso.

Waxaa sidoo kale Risaaalooyin waano ah oo ay kooxaha ku dagaalamaya dalka Suuriya ay u direen ,Abu Qataada Al-Falastiini wuxuuna Risaaladiisa ugu magac daray (رسالةلأهل الجهاد بالشام) waxaa kale oo risaalo u diray Abu Maxamed Al-Maqdasi wuxuuna cinwaan uga dhigay (الإنصاف حلة الاشراف ، والاشراف أقل الاصناف) waxaan lagu radiyey labada wadaad qormooyin badan oo loo baahan yahay in ay akhriyaan dhalinta saxwada Islaamka si ay u ogaadaan halka uu marayo xadgudubka diineed ee haatan ka dhex aloosan raggii Munadariinta u ahaa fikirka Al-Qaacida iyo ardaydoodii.
1-Abu Maxamed Al-Maqdasi iyo Talooyinkii uu soo jeediyey

Risaala uu qoray Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu u bixiyey الإنصاف حلة الأشراف، والأشراف أقل الأصناف waxaana uu aad uga hadlay qolyaha qulaada ah ee gaaleysiinaya Ururkii Ikhwaan Muslimiin ee talada dalka Masar qabtay kor hor inta aan la afganbin dowladdii Madaxweyne Maxamed Mursi ee dalka Masar waxaana uu uga digay in ay simaan kuwa Cilmaaniyiinta iyo wadaada Ikhwaanka oo ay ku farxaan xasuuqii loo geystay taageerayaashii Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa aad uga xumaaday risaalooyin badan oo ay qoreen kuwa sheeganaya in ay yihiin Al-Qacida iyo Mujaahidiin oo gaaleysiinaya Ururada Islaamka sida Xamaas iyo Ikhwaan Muslimiinka Masar iyaga oo u dharsiibtay firqadii khawaarijta ee ka habawday wadaddii toosnayd ee Ahlus Suna Waljamaaca.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa si cad u qeexay mowqifkiisa iyo xukunka uu ka qabo Ikhwaan Muslimiinka Masar waxaana uu Yiri.

فلتعلم الدنيا كلها أننا لا نُكفِّر الإخوان المسلمين، بل هم عندنا مسلمون وإن خالفونا في كثير من المسائل بعضها في المنهج والأصول, فهم وأتباعهم وأنصارهم ومُؤيدوهم بالألوف على مراتب شتى, فيهم العالم وفيهم الجاهل، وفيهم المطيع وفيهم العاصي، وفيهم المتعلم وفيهم العامي، ومنهم من تلطخ ببعض نواقض الإسلام من حكم بغير ما أنزل الله أو مشاركة في التشريع، أو أقسم على احترام الدساتير الكفرية أو أثنى على القوانين الوضعية وقُضاتها ومحاكمها ومنهم من لم يقارف شيئاً من ذلك، وكلّ يُعامَل بما يستحقه، ولا يجوز أن يُتجاوز فيهم حدود الله بأن يُعامَلوا جميعهم بمعاملة من نراه قد قارف بعض النواقض، فيؤذى الخليُّ منها بجريرة المتلطخ بها، فليس هذا من العدل في شيء، خصوصاً وأنهم ليسوا طائفه محاربه ولا ممتنعه بشوكة، بل هم طائفه مُحَارَبه – بفتح الراء – لأجل ما عندها من إسلام ودين، فلا يجوز -والحالة كذلك- أن نعصي الله فيهم وإن عصوه فينا، ولا أن نبهتهم وإن بهتَنا بعضهم وظلمونا ووصفونا بالإرهابيين أو التكفيريين، فلا نظلمهم وإن ظلمونا، بل نطيع الله فيهم وإن عصوه فينا، ونتّقه في العدل معهم والإنصاف وإن ظلَمنا بعضهم ولم يتق الله فينا

Sheekh Maxamed Al-Maqdasi ayaa sidoo kale sheegay in ay cadaalad ahayn in Ururka Ikhwaan Muslimiin lala samino Calmaaniyiinta wuxuuna ka digay in la isku qaado Ururada Islaamka iyada oo aan si qoto dheer loo eegeyn cid ku dhacaday waxyaabaha buriya Islaamka .

فلا يجوز وضع الجماعات الإسلامية – الإخوان المسلمين أو غيرهم – جميعاً في كفة واحدة وحكم واحد، وتحميل من لم يقارف ناقضاً مسؤولية من قارفه، ولا حتى من قارفه متأوّلاً غير ممتنع بشوكه ولا محارب للدين، بمن قارفه عامداً وممتنعاً بشوكه ومحارباً للدين وأهله. ولذلك كله؛ فليس من العدل مساواة الإخوان بالعلمانيين وأعداء الدين المحاربين، ومن أراد الخير فأخطأه ليس كمن أراد الباطل فأدركه أو لم يدركه

Risaalada nasiixada ah ee uu qoray Abu Maxamed Maqdasi ayaa waxay daba socotaa kalimad cod ah oo uu leeyahay Afhayeenka Rasmiga ah ee Ururka Dowlada Ciraaq iyo Shaam Abu Maxamed Al Cadnaani wuxuuna cinwaankeeda ahaa « السلميّة دينُ من ؟ » .waxaana ka mid ahaa hadladiisa « وما الإخوان إلا حزب علماني بعباءة إسلامية ، بل هم أشرّ وأخبث العلمانيين »

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada in ay dib u akhriyaan fataawa Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya Majalada 4aad oo uu sheekhu kaga hadlay firaqda khilaafsan Ahlu Suna iyo sida uu Sheekh Ibnu Taymiya Cadliga ugu suubiyey.

Sh Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu caan ku yahay hadal adkaanta caayda cid khilaafsan iyo gaaleysiinta waxaana uu leeyahay risaalooyin badan oo uu xitaa leeyahay culumada Sacuudiga gaar ahaan Ha,yada Kibaar Culumaa oo ay ku jiraan culumo maqaam weyn ku leh diinta iyo dacwada Salafiga ah waxay ka dhar siibteen Tawxiid ka ama waxay la mid yihiin Khaakhaamaadka Yahuuda (Culumada Kaniisada ee Yahuuda)iyo hadalo kale oo gaaleysiin ah.

Abu Maxamed Al-Maqdasiga haatan ka digaya gaaleysiinta Ikhwaan Muslimiin ayaa waxaa mowqic uu Maamulo ka buuxa Fataawooyin lagu gaaleysiinayo Xamaas iyo IKhwaan Muslimiin ,Ururka Al-Nahda ee dalka Tunis waxaana uu hordhac u sameeyey Abu Maxamed Al-Maqdasi risaalo lagu gaaleysiinayo Ururka Xamaas iyo Madaxdooda.waxaana ka mid ah risaalooyinka uu hordhac u sameeyey Risaalo cinwaanka uu yahay القول الأساس في حكومة حماس لأبي عبد الله المقدسي oo uu qoray Abu Cabdulaahi Al-Maqdasi .

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa baryahan danbe aad ay soo kartay gaaleysiinta ,daadinta dhiiga Muslimiinta ,Isqarxinta . iyo baycada kooxaha Al-Qacida la fikirka ah ee isku haysta in iyaga ay yihiin Jamaacadii Muslimiinta cidii khilaaftana dagaal iyo gaalnimo isigu dara.

Halkan Ka Akhriso Talooyinkii Abu Maxamed Al-Maqdasi uu u diray kooxaha Suuriya jihaadka ka wada

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa Risaalada ka soo dhex qoray xabsi uu ku xiray yahay ee dalka Urdun waxaana talooyinka uu soo jeediyey jawaab badan ka bixiyey rag badan oo Muntadayaadka Al-Qaacida wax ku qora oo intooda badan aan la aqoon waxaana ka mid ah أبو القاسم الوحشي الأصبحي oo qoray Risaalo uu u bixiyey التَّبَيُّنُ حُلَّةُ المُتَيَقِّن – فيه التعقيب على رسالة أبي محمد المقدسي الموسومة بالإنصاف حلة الأشراف وذبًّا عن أبي محمد العدناني .

Halkan ka Akhriso Risaalada lagu radiyey Abu Maxamed Al-Maqdasi .

Wadaadkan qormada qoray ee la yiraahdo أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa waxaa uu isku dayey in uu qiil u raadiyo oo uu difaaco Abu Maxamed Cadnaani Afhayeenka Dowlada Ciraaq iyo Shaam kooxda Daacish ee haatan ay ka qeylinayaan wadaadadii Al-Qacida la dhacsanaa ee culumada kale ku tuuri jiray in ay yihiin kuwa u shaqeeya gaalada ama aaminsan fikirka Murji,ada .

Culumada Salafka ayaa in badan ka digay Gaaleysiinta,dhiiga Muslinka ,in la eego ma,aalaat Umuur,in tlada umada aysan koox kaliya la gaar noqon ,in midnimada umada laga shaqeeyo balse dhag jalaq looma siin waxaana la arkay natiijada ay dhalisay ka dib markii ay kooxihii Jihaadayey iyagii dib isigu noqdeen .

Wadaadka Risaalada Al-Maqdasi radinaya أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa Hordhaca qormada wuxuu sheegay in walaalaha qaarkiisa ay ka codsadeen in uu wax ka yiraahdo Risaalada Abu Maxamed Al-Maqadsi iyo waxyaabaha baadilka ah ee ku qoran wuxuuna sheegay in uu yara ka mashquulay balse markuu arkay mid kasta oo liita uu xujo ka dhigtay Risaalada Maqdasi ay la gudboonaatay in uu wax ka yiraahdo.

أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa amaan u jeediyey Abu Maxamed Al-Maqdasi isaga oo sheegay in uu ahlu tawxiidka iyo Jihaadka uu in badan u gargaaray balse uu caalim kasta uu leeyahay kaf loona baahan yahay in la saxo.

أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa waxaa ka mid ah hadalada uu ka yiri Ururka Ikhwaan Muslimiin isaga oo difaacaya hadalka Abu Maxamed Al-Cadnaani ka yiri Ikhwaanka ee ahaa « وما الإخوان إلا حزب علماني بعباءة إسلامية ، بل هم أشرّ وأخبث العلمانيين » .isaga oo hadalkan xoojinaya ayaa waxaa uu yiri أبو القاسم الوحشي الأصبحي

(وقد صدق العدناني حين وصفهم بأنهم أخبثُ وأشرُّ من الْعلمانين , ووجهُ ذلك أن كفرَ العلماني المرتد واضح للعيان ولا يحتاج لكثير بيان , أما المرتد الإخواني فإنه يُلبِّس على العوام أمر دينهم , فهو من هذا الوجه أخبث وأشد نُكراً من العلمانين

أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa sidoo kale ku canaantay Abu Maxamed Al-Maqdasi in uusan ugu murugoon sida uu Ikhwaanka ugu murugooday Abu Muscab Al-Zarqaawi iyo kooxdiisa waxaana uu hoosta ka xariiqay in gaalnimada Ikhwaan Muslimiin iyo Madaxweyne Mursi ay ka daran tahay tan Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak!

Abu Qaasim ayaa waxaa uu si cad u sheegay in uu gaaleysiinayo madaxya weynta Ururka Ikhwaanu Muslimiin wuxuuna Yiri.
ونشهد الله أننا نكفّرهم بأعيانهم لاقترافهم الكفر الأكبر دون مانعٍ مُعتبر بل ويجب على كل مسلم البراءة منهم ومعاداتهم وترك المجادلة عنهم والله المستعان .

Abu Qaasim ayaa waxaa uu ku dhaleeceeyey Abu Maxamed Al-Maqdasi in uusan garab siin lana tiiraanyoon dhibta heystay Abu Muscab Al-Zarqaawi Raximahulaah oo jihaad kula jiray ciidamadii huwanta ee qabsaday Ciraaq waxaana uu wax lala yaabo ku tilmaamo in Abu Maxamed Al-Maqdasi uu la baroorto Ikhwaanu Muslimiin oo uu ku sheegay madaxdooda in ay yihiin gaalo diinta ka baxaday waxaana uu yiri .فكُبراء الإخوان في مصر ممن تلبّس بردةٍ كالحكم بغير ما أنزل الله أو التشريع مع الله هم كفارٌ مرتدون محادّون لله ورسوله

أبو القاسم الوحشي الأصبحي ayaa isaga oo daba jooga talada Abu Maxamed Al-Maqdasi ee ah in aan Ikhwaanka la isku wada qaadin ayaa waxaa uu sheegay in kuwa jaahiliinta ah ee Ikhwaanka ka tirsan ee aan la iman wax gaalnimo keena ay u murugoonayaan ayna tahay in loo gargaaro .xili risaalooyinkiisa ay ku cad yihiin jahliga iyo ta,wiil aan labada la eegay marka la joogo xukumka alle isaga oo ku ceebeeyey kuwa leh Jahliga iyo Ta,wiilka waxay ka mid yihiin Mawaanicda Takfiirka wuxuuna ku sheegay in ay kuwaas yihiin Murji,o.

لو أنه قال بكفر الحكم بغير ما أنزل الله والمتحاكم إلى غير ما أنزل الله والمشرع مع الله أو من دونه ولم يعذرهم بجهلٍ أو تأويل , لَـمَا وقع في بائقة الجدال عن الطواغيت والعياذ بالله .
ولكن لما انتشرت عقائد المرجئة القائلين بإعذار الجاهلين أو المتأولين , وُجدت مثل هذه الأقوال الممجوجة ولا حول ولا قوة إلا بالله

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa kale oo Mareegta uu maamulo la soo dhigay Bayaan lagu sheegay in dagaalka ka dhexsocda kooxaha dalka Suuriya uu yahay fitno sidoo kalena ay joojiyeen qormooyinka ay qorayaan taageerayaasha kooxaha kala duwan ee ku sugan dalka suuriya.

Waxaa kale oo la soo dhigay Mareegta uu Maamulo Abu Maxamed Al-Maqdasi qorma la sheegay in uu leeyahay Abu Maxamed Al-Maqdasi kaas oo ka digaya dagaalada ka dhex socda kooxaha Suuriya wuxuuna ku baaqay in la joojiyo waxaana Cinwaan looga dhigay qormadan (إلا تفعلوه تكن فتنة في الأرض وفساد كبير) waxaa kale oo la soo dhigay qoraalkii ugu danbeeyey oo ka yimid Abu Maxamed Al-Maqdasi waxaana uu cinwaankiisa u ahaa [رسالة موجهة إلى جميع الفصائل وليس لفصيل واحد]

Talooyinkii Abu Qataada Al-Falastiini uu u diray kooxaha Dalka Suuriya.

Sh Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu talooyin u diray kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya waxaana uu qoray Risaalo cinwaankeeda uu u bixiyey.(رسالةلأهل الجهاد بالشام) waxaana talooyinka uu soo jeediyey ka mid ahaa Abu Qataada ,midnimada Mujaahidiinta ,xalinta khilaafaadka ka dhex aloosan .in koox gaara aysan qaadan Baycada Imaamkii Caamka ahaa.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa kale oo uu aad uga digay dhalinyarada jahliga ku sugan oo aan shareecada Islaamka iyo Maqaasideeda aan waxba ka aqoon ee risaalooyinka tirada badan iska qoraya iyaga oo aan fahmin nusuusta iyo waaciga umada ay ku sugan tahay.

Abu Qataada Al-Falstiini ayaa uga digay kooxaha dalka Suuriya in ay dhagaha ka fureystaan talooyinka ay culumada u sooo jeediyeen isaga oo uga digay in koox kaliya ama fatwo wadaad leeyahay aan lagu xalin karin khilaafka kooxaha dalka Suuriya.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa ugu baaqay kooxaha Mujaahidiinta in ay sameystaan Maxaakim Islaami ah si khilaaf kasta oo yimaada loo xaliyo wuxuuna ka digay in Jihaadka ka socda Shaam la hagal daaciyo iyada oo la eeganayo dano kooxeed iyo mid shakhsi ah .

Sh Abu Qataada Al-Falsatiini ayaa uga digay kooxa dalka Suuriya in koox ka mid ah ay sheegato Baycadii Caamka ahayd ayna ka dhigto amiirkeeda in uu yahay Khaliifada Muslimiinta waxaana arinkaas ku dhacay kooxada Daacish uu uu horjoogaha u yahay Abu Bakar Al-Baqdaadi .

Halkan ka Akhriso Risaalada Abu Qataada uu u diray kooxaha dalka Suuriya .رسالةلأهل الجهاد بالشام)

Abu Qataada Al-Falstiini ayaa talooyinkii uu soo jeediyey waxaa looga jawaabay qormooyin kala duwan waxaa ka mid ahayd qorma uu qoray wadaad magaciisa ku sheegay ( أبو المنذر عمر بن المهدي آل زيدان) waxaana uu qormadiisa cinwaan uga dhigay (“النقض لقول من جعل الخلافة الاسلامية من دين الرفض”) wadaadkan qormadan qoray ayaa waxaa uu ku eedeeyey Abu Qataada Al-Falastiini in uu ka soo horjeestay Baycada Amiirka kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi isaga oo ku tuuray Jahli hogaanka Mujaahidiinta waa sida uu hadalka u dhigay أبو المنذر

أبو المنذر ayaa waxaa uu sheegay in aan marna indhaha laga laaban karin wanaaga Abuu Qataada waxaana uu sheegay in caalim kasta uu ku dhici karo gaf. أبو المنذر ayaa waxaa uu meesha ka saaray in risaalada رسالةلأهل الجهاد بالشام) uu qoray Abu Qataada waxaana uu sheegay in wadaadka uu xiran yahay qof xirana aan laga qaadan karin Fatwo.
Wadaadkan ku dhagan Abu Qataada Al-Falstiini ayaa waxaa uu sheegay in kooxdii Jamaaca Islaamiya ee ka dagaalami jirtay dalka Al-Jeeriya ay ku dileen culumadii ugu caansanaa dalkaas fatwada Abu Qataada waxaana ka mid ahaa culumadii lagu dilay fatwada Abu Qataada laba Sheekh ee kala ah ((محمد السعيد وعبد الرزاق رجام ) waxaana uu soo guuriyey fatwadii Abu Qataada waxayana u qornayd sidan.

اعلم حفظك الله تعالى أنّه لا أحد فوق شرع الله تعالى لقوله صلى الله عليه وسلم : ((إنّما ضلّ من كان قبلكم أنّهم كانوا إذا سرق الشّريف تركوه
وإذا سرق الضّعيف فيهم أقاموا عليه الحدّ، وأيم الله لو أنّ فاطمة بنت محمّد سرقت لقطع محمّد يدها)) رواه البخاري في «كتاب الحدود»

باب «كراهية الشّفاعة في الحدّ إذا رفع إلى السّلطان » من حديث عائشة رضي الله عنها، وعلى هذا فإنّه ليَسوء المرء المسلم أن يُقتـل أمثال محمّد السّعيد ممّن عُرِف بلاؤه في الدّعوة إلى الله تعالى، وليس محمّد السّعيد ككلّ أحد، ولكن لا ينبغي التّهويش باسمه دون النّظر المبصر لسبب القتل، والبيان لم يوضح سبباً شافياً وقاطعاً لهذا القتل، بل أبقى الكثير من الاحتمالات، فإذا تعاملنا مع البيان فقط فهذا معتقدي
ولكن عندي ما يجعل لقتله عذراً وتأويلاً، فمن أراد أن يفتح باب الحوار مع الطّواغيت أو ينشئ علاقات مع طواغيت أجانب عن بلده كالقذّافي وغيره، أو سعى عاملاً للعودة إلى الدّيمقراطيّة فهذا حكمه القتل ولا كرامة،والله الحافظ والهادي إلى كلّ خير، وإن لم يكن لهم عذر صحيح فهم آثمون بذلك(…)
( فلو مِلنا جميعاّ إلى القول بخطأ هذا الفعل وأنّه عظيم فهل يجوز لنا أن نسحب هذا الخطأ ليعمّ إبطال الجهاد تحت هذه الرّاية السّلفيّة؟.
الجواب يعلمه كلّ من قرأ شيئاً من كُتُب العلم، فالجماعة الإسلاميّة المسلّحة لم يصدر منها وإلى الآن إلاّ التّسديد والمقاربة في إصابة الحقّ وتحرّي منهج الصّحابة رضي الله عنهم في قتالهم للمرتدّين في الجزائر، فالواجب هو عدم إشاعة الفاحشة بمتابعة هوى النّفس في إبطال هذه الرّاية وهذا المنهج

قال ابن تيميّة: ( ومن عُلم منه الاجتهاد السّائغ فلا يجوز أن يُذكر على وجه الذّم والتّأثيم له، فإن الله غفر له خطأه، بل يجب لما فيه من الإيمان والتّقوى موالاته ومحبّته، والقيام بما أوجب الله من حقوقه من ثناء ودعاء وغير ذلك.
Wadaadkan qormada ku radinaya Abu Qataada ayaa waxaa uu xasuusinayaa Abu Qataada in markii uu Fatwooyinka lagu laayey culumada uu bixinayey uu wax badan kala socon waaqica dalka Al-Jeeriya haatan ay uu waxba kala socon wax ka socda dalka Suuriya.

Halkan ka Akhriso Risaalada lagu radiyey Abu Qataada

waxaa sidoo kale Kalimad cod ah soo diray أبي عبدالله الحموي حسان عبود oo ka mid ah golaha Shuurada ee Jabahada Islaamiga ee dalka Suuriya waxaana si cad u qeexay in kooxada Daacish ay isku darsatay dulmi iyo Been hawaasnimo wuxuuna sheegay in ay dhabarka ka toogteen Jihaadkii ka socday dalka Suuriya

أبي عبدالله الحموي حسان عبود ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiil iyo culumo Muhiim ah ay si xun u dileen kooxda Daacish wuxuuna cadeeyey in dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish uu yahay oo kaliya Difaac .

Hoos Ka Dhageyso Baaq uu soo diray Sheekh أبي عبدالله الحموي حسان عبود oo ka mid ah hogaanka sare ee Jabada Islaamiga ee Suuriya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online