Madaxweynaha Juba oo lagu caleemo saaray maanta Kismaayo (Daawo)
January 20, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Madaxweynaha Juba Axmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) waxaana ka soo qeybgalay xaflada madax kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdikariim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey , Madaxa IGAD wafdi ka socda Midawga Yurub , Safiiro ka socda Itoobiya iyo Jabuuti.
Waxaa kale oo xaflada caleemo saarka ka so qeyb galay Raisulwasaarihii hore ee DFS Pro.Cali Maxamed Geedi ku xigeenka kowaad ee gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jeylaani Nuur Iikaar oo ka socday DFS iyo marti sharaf kala duwan
Hoos ka daawo Xafladii Caleemsaarka ee Madaxweynaha Juba oo maanta ka dhacaday Kismaayo
Cabdi Yare
Kismaayo