Dagaal xalay ka dhacay Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe

January 15, 2014 - Written by Editor

alshabaab10Mahadaay:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in xalay dagaal culus uu ka dhacay gudaha degmada Mahaddaay ka dib markii ay weerar lama filaan ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab xarumaha ciidanka DFS ee Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane oo 25 KM Waqooyi kaga began degmada Jowhar  waxaana ay gudaha u galeen Al-Shabaab Degmada Mahadaay .

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka Al-Shabaab ay gubeen gaari booyad ah oo ay lahaayeen ciidanka DFS ayna qaabsadeen laba gaari oo mid ka mid ah uuu leeyahay gudoomiyaha Degmada Mahadaay .

Khasaaraha soo gaaray ciidanka DFS ayaan ilaa hatan la shaacin balse waxaa jira dad rayid ah oo ku dhaawacmay rasaas ugu tagtay guryahood xiligii uu dagaalka socday.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa isaga baxay saaka aroortii Degmada Mahadaay waxayna laba gaari oo ay qabsadeen la aadeen deegaanka Ceelbaraf.Ilaa haatan ma jiraan saraakiil ka tirsan DFS oo ka hadlay dagaaladii xalay  ka dhacay Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane

Ciidamada AMISOM ayaan xalay u soo gurman ciidanka DFS ee ku sugnaa Degmada Mahadaay waxayna ciidanka AMISOM fariisin ku leeyihiin meel u jirta Degmada Mahadaay 7 KM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online