Dagaalo wili ka dhex socda kooxaha Suuriya iyo Bayaan ay culumo soo saareen (Akhriso)

January 9, 2014 - Written by Editor

Jabhat al-Nusra fighters at Taftanaz airbase, Idlib province, in January 2013Suuriya:-Dagaalada u dhexeeya Ururka dowladda Ciraaq iyo Shaam iyo kooxaha kacdoonka ee dalka Suuriya ayaa cirka isku shareeray waxaana uu dagaalkii ku fiday deegaano kala duwan sidda Riqa,Idlib,xalab,Xims,waxaana ku dhintay dad aad u badan. Dagaalka  ka dhex aloosan Ururada kacdoonka ka wada Suuriya  ayaa waxaa uu dhabar jab ku yahay dibna u dhigayaa riditaanka dowladda Nuseyriga ee Bashaar Asad iyo Xisbiga Shiicada ee Xisbul Al-Sheydaan .

Waxaa wax laga naxo ah dhiiga muslimiinta ee sidda xaqdarada ah ku daadanaya xili ay diyaaradaha Bashaar Asad ay duqeyn xoogan ku hayaan deegaanada laga saaray. Xadgudubka kooxda Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey iyaga oo laayey  madax ka tirsan kooxaha kacdoonka ee dagaalka kula jira dowlada Suuriya sida Jabahada Al-Nusra, Jabah Islaamiya ,Axraar Shaam waxaana ay gawaari laga soo buuxiyey walxa qarxa ku weerareen xarumaha Jabhada Al-Nusra ee deegaanka Idlib iyo xarumo ay leeyihiin Axraar Al-Shaam iyo Jabaha Islaamiya.

Waxaa iyadana wax laga naxo ah in la laayo ciidamo ka tirsan Dowladda Ciraaq iyo Shaam iyo rag muhaajiriin ah oo u yimid Suuriya in ay ka Jihaadaan. Dagaalada ka socota dalka Suuriya ayaa waxaa ka digay Amiirka Jabhada Al-Nusra Abu Maxamed Al-Jowlaani waxaana uu baaqay dhamaan ciidamada kooxaha kala duwan in ay alle ka baqaan oo ay sharciga alle lagu kala baxo lana joojiyo xadgudubka cidii diidana meel looga soo wada jeesto.

Ururka Dowlada Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam ayaa dhagaha ka fureystay talooyinkii uu soo jeediyey hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Dr.Ayman Al-Dawaahiri . Warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa taageersan kooxaha kacdoonka Suuriya ayaa qolo walba waxay soo gudbineysaa Masawiro iyo Muuqaalo qolo walba sheeganeyso in qolo ku soo biirtay ama ay xarumo qabsadeen.

Dhanka kale Culumo gaareysa ilaa 41 caalim ayaa Bayaan ka soo saaray xaalada murugeysay iyo dagaalada u dhexeeya kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya waxaana ay culumada kooxaha u soo jeediyeen talooyin miro dhal ah.

Culumada ayaa ka digtay kooxo raba in ay dhantaalaan midnimada kooxaha Kacdoonka iyaga oo fursad siinaya dowladdaha reer Galbeedka iyo Bashaar Asad waxaana ay sidoo kale ka digeen gaaleysiinta iyo dhiiga muslimiinta iyo in qolo kaliya sheegato in ay kaligeed talada maroorsato.

Halkan ka Eeg Bayaanka Culumada ay ka soo saareen dagaalada u dhexeeya kooxaha ka jira dalka Suuriya

W/Q Cabdifitaax Macalin Cali
Yemen

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online