Dawro aqoon iswaydaarsi ah oo loo qabtay Ardayda iskuulka Imaamu Shaafici ee Boosaaso.[Masawiro]

January 5, 2014 - Written by Editor

IMG_0463Bosaaso:- Magaalada Boosaso ee xarunta Goboka Bari ayaa waxaa ka bilawday maanta oo tariikhdu tahay 05/01/ 2014 dawro aqoon is way daarsi ah oo ay soo qaban qaabiyey iskuulka Imaamu Shaafici oo kaashanaya Mu’assada Minhaaj ee dacwada iyo horimarinta lana magac baxday raad ku reeb bulshada, dawradaan ayaa waxaa ay socon doontaa mudo 2-bo maal mood ah.

Dawradaan oo lagu qabtay Hoolka shirarka ee AMAL PALAZA ayaa waxaa kasoo qayb galy furitaankeedii  maamulka iskuulka Imaamu shaafic, macallimiinta iyo xubno ka socda Mu’assasada minhaaj.Ugu horreyntii dawrada waxaa lagu furfuray Quranka kariimka ah ka dibna waxaa si rasmi ah u furay maamulaha iskuulka imaamu shaafici Maxamed cabdullahi cabdulle kaasoo kalimad dhiiri galin ah ardayda halkaas uga soo jeedshay kuna dhiirri galiyay inay si fiican uga faa’ idaystaan casharrada qiimaha badan ee ka bixi doona dawrada.

no images were found

Sidoo kala waxaa madasha kalimad gaaban ka jeedshay Madaxa Mu’assasada Minhaaj ee faraceeda gobolka Bari Sh Faarax Maxamed Cajab isagoo ka soo jeedshay madasha kalimaad alle ka cabsi ah wuxuu shiikhu sidoo kale da’yarta ku booriyay inay qataan dawrkoodii ku aadanaa bulshadooda iskuna diyaariyaan siday xilka u gala wareegi lahaayeen dadka  iyaga ka horeeyey waana arrinka dawradu ku saabsantahay.

Intaa ka dib waxaa si toosa u bilawday duruustii dawrada waxana maanta galinkii hore baxay labo cashar oo kala ah:-
1. Habka fakarka toosan.
2. Habka wax loo jeedsho.

Isku soo wada duubo dawradan ayaa waxay ka mid tahay dadaalka ay maamulka iskuulka iyo Mu’assasadu ka wadaan da’yarta dhexdooda si naftooda wax u taraan kadibna ummadooda iyo diintooda wax utaraan.

Mu’assasada Minhaaj
Boosaaso,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online