Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo berri ka dhacaysa Garoowe
January 3, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalinta beri ka dhacaysa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa, magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda loolan siyaasadeed oo u dhexeeya musharaxiinta u taagan in ay u tar tamaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand waxaan ay kulamo gooni gooni ah la qaateen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa isku soo sharaxay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdirashid Maxamad Xirsi oo ka soo jeeda Gobolka Mudug, waxaase tartanka kula jira Xildhibaan C/xakiim Dhoobo-dareed oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag/Haylaan, Xildhibaan Siciid Xassan Shire oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag/Haylaan ahna Wasiir hore ee dowladdii Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud iyo weliba Xildhibaan, Axmed Cali Xaashi oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag/Haylaan oo mar noqday Guddoomiyihii Baarlamaan ka ee Puntland xiligoo dowallada Puntland uu madaxweyne ka ahaa Gen. Cadde Muuse Xirsi.
Dhinac kale waxaa iyana loolan xooggan uu ka jiraa tartanka xilka Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo kan 2aad ee Baarlamaanka Puntland waxaan xilkaas u tartamaya siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Bari/Gardafu iyo Gobolka Sool/Cayn.
Magaalada Garoowe ayaa laga dareemayaa loolanka siyaasadeed iyo xarig jiidka ka dhex socda Madaxweynaha xilka ka dhamaanayo ee Puntand Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo musharaxiinta oo iyagu leh kulamo gooni gooni iyo wada tashi.
Amaanka guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey waxaan la arkayaa ciidamo fara badan oo wada howl galo lagu baarayo dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada Garoowe kana imaanaya dhamaan magaalooyinka kale duwan ee deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo.
M_M_Deeq
Halgan.net