Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq u dirtay Shirka Baydhabo
January 31, 2014 - Written by EditorXukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha dhaqanka iyo Siyaasi yiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashiyada ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay arrimaha soo socda:
1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda ah.
2- Sidii horey la isku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta.
3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa islamarkaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma hab raaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.
DHAMAAD
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Mogadishu, Somalia