Ergadii DFS iyo Somaliland oo Heshiis ku Gaaray magaalada Istanbul (Dhageyso)

January 19, 2014 - Written by Editor

slandIstanbul:-Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo.

biixiWaxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadex bilood oo kasta mar ay wada hadalka isugu yimaadaan labada dhinac iyo qodobo kale.

Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

guuleedWareysiyo aan la kala yeelanay Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, iyo falanqeyn ku saabsan heshiika .

Hoos ka Dhageyso falanqeyn ku saabsan heshiika .

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online