Ganacsatada Puntland soo dhawaysay Madaxda Cusub ee Puntland, Talana u soo jeedisay

January 18, 2014 - Written by Editor

9Boosaaso:-Xaflad ay soo qabanqaabisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  oo ay ka soo qaybgaleen Ganacsatadu ayaa  lagu soo dhaweeyay Madaxda cusub ee loo doortay inay Hoggaamiyaan Dowladda Puntland 5ta Sanno ee soo socoto.

Xafladan oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Rugta Ganacsiga ee Puntland ee Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Siciid Xuseen Ciid, Guddoomiye k/xigeenka Rugta Ganacsiga Maxamuud Caydiid,  Guddoomiyayaasha Dalladaha Ganacsatada, Maamulayaasha Shirkaddaha iyo Bangiyadda ka howlgala Puntland, iyo martisharaf kale oo badan, Waxaana lagu bogaadiyay Isbedelka Maamul ee sidda nabada ah uga dhacay Puntland  8 January 2014kii.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid, oo ugu horrayn furay Xaflada ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne K/xigeenka C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire.

“ Munaasaadeenan, Waxay ku saabsan tahay  soo dhaweynta Isbedelka sida wanaagsan u dhacay, Waa horumarka iyo Wada socodka umadeena, Waa sida xadaarada leh, oo nabadgelyada leh oo Isbedel u yimid, iyadoo aan wax khal khal  ah iyo dhibaato aysan ka dhicin” ayuu yiri

Guddoomiye Siciid Waxaa uu sheegay in  Ganacsigu uu yahay Lafdhabarta iyo Nolosha dowladnimada Puntland, Waxaa kaloo uu xusay in Ganacsatadu ay dareesan yihiin in Ganacsigu uusan socon karin haddii  uusan gacan ka helin Dowladda, oo aan loo fududayn Tasiilaadka uu u baahanayhay, islamarkaana ay caqabadaha ka horimaanaya aan laga hortegin oo aan la baabiin.

no images were found

“Ganacsigeenu Muddooyinkan dambe si u dhutinayay, Qoraalo iyo Talooyin badan oo laga soo jeediyayna Rugta ganacsigu waa haysaa, marar badan waa laga shiray, marar badan waa la ururiyay, Wax badan oo Ganacsigu ku hormari karo waa la hayaa” ayuu yiri

 Masuuliyiintii kale ee ka hadashay Xaflada Waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha K/xigeenka Dallada PUNSAA, Kana mid ah Ganacsatada Reer Puntland C/Fitaax Sugule, oo u hambalyeeyay Madaxda Cusub ee Puntland, Waxaana uu Maamulka Cusub ee Talada la wareegay u soo jeediyay in ay latashadaan Ganacsatada si  buu yiri kor loogu qaado Ganacsiga Dhutinaya ee dalka ka jira

 “ Wasaaradda Ganacsigu waa lafdhabarta dhaqaajin karta Ganacsiga, Haddii Wasaaradu ay suuqyo cusub furto, Baahida, Ganacsatada dhagaysato, Waxaa fududaanaya in la xaliyo Mashaakiladda, Markaa Maamulka Cusub waxaan kula talinaynaa in Wasiirka Ganacsigu uusan dhaafin Ganacsatada” ayuu yiri

Waxaa kaloo, Ganacsatadii u hambalyeeyay Madaxda Cusub  ee Puntland, ka mid ahaa  Prof Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi Siyaasad oo ah  Maareeyaha Bangiga Dahabshiil ee Puntland, oo Madaxda Cusub kula taliyay inay fuliyaan Ballanqaadaydii ay sameeyeen Xiligii ay ku jireen ololaha Doorashadda , Waxaa kaloo uu kula taliyay Maamulka Cusub inay la yimaadaan Siyaasado Cadcad oo dhinaca Maalgashiga, Warshadaha iyo Ganacsiga

 “, Madaamada Dakhligeedu uu ka yimaado, inay siyaasad Ganacsi la timaado, Siyaasad Maalgashi la timaado, oo Dowladu cadayso in Puntland tahay in Meel Maalgashi lagu aamini karo” ayuu yiri

Masuuliyiintii ka hadashay xaflad loogu hambalyaynayay Madaxda cusub ee loo doortay inay Puntland hoggaamiyaan Waxaa ka mid ahaa Ganacsade Maxamed C/qaadir, Yuusuf Cali Biixi, Burhaan Maxamuud Gurey, Maxamuud Qorane, Nabadoon, Ciise, Ayaanle  Siciid Jaamac, Xuseen Cali Xasan, Maxamed Cabdi shirwac, Cumar Ismaaciil Waaberi, iyo Faarax, kuwasoo dhammaantood Hambalyo u diray Madaxda Cusub, una rajeeyay in Illaahay la garab galo Masuuliyadda culus ee loo dhiibay.

 Ugu Dambayntii, Waxaa Xafladda soo xiray xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf ( Axmed Taaraan), oo u habamlyeeyay Madaxda Cusub ee Puntland,  Waxaa kaloo uu u mahadnaqay Ganacsatadii iyo Masuuliyiinti kale ee ka soo qaybgashay Xaflad lagu soo dhawaynayay Madaxda Cusub ee Puntland.

Omar Siciid Mohamed
<isse80@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online