Golaha Wasiirada oo la dhaariyay iyo R/Wasaaraha oo bogaadiyay howlaha Baarlamaanka

January 22, 2014 - Written by Editor

IMG_2097Muqdisho, January 22,2014—-Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la dhaariyay, waxaana munaasabadda dhaarinta goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuukumada Cabdiweli Sh.Axmed Maxamed, waxaana shir guddoominayay kalfadhigan oo ugu dambeeyey Golaha Baarlamaanka oo galay fasax hal bil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka sida caadada ahba, waxaana lagu hor dhaariyay golaha Baarlamaanka iyo sidoo kale madaxda Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhaarta kadib, hadal ka jeediyay kulanka, isaga oo uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka talaabooyinkooda xil kasnimada leh, wuxuuna ku tilmaamay go’aankoodii shalay ay ku meel mariyeen dhismaha xukuumada mid taariikhi ah.

“Sharaf ayay ii tahay inaan markii saddexaad idin hor imaado, waxaana jeclahay inaan idiinkaga mahadceliyo go’aankiinii taariikhiga ahaa ee aad shalay ku ogolaateen xubnaha golaheyga Wasiirada, waxaana laga bilaabo saacadan la joogo idiin balan qaadeynaa inaan u howlgali doono dhaqangelinta qorshe howleedka xukuumada iyo gudashada waajibaad keena Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray.

“Golaha Wasiirada waxaan hortiina ka farayaa in xubin kasta oo golaha Wasiirada inuu wada shaqeyn dhow la yeesho guddiyada Baarlamaanka ee ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso, waana inaad tixgelisaan talooyinkooda iyo aragtidooda”.

no images were found

Gabagabadiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in golaha Wasiirada laga sugayo howl culus oo mudnaanteeda leh, wuxuuna si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeyso qaxootiga gudaha iyo dibaddaba daad san ee aanan heysan Hoy iyo Hu’, sidaasi darteedna laga shaqeeyo har iyo habeenba sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen caawimaad dawladeed iyo mida beesha caalamkaba.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online